Maxkamad diidday in Amazon macdan laga qodo

Seerahan waxaa abuurtay xukuumaddii milateriga 1984 Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Seerahan waxaa abuurtay xukuumaddii milateriga 1984

Maxkamad ku taalla Brazil ayaa ayaa joojisay qorshe ay xukuumadda ku doonaysay in ay ku wareejiso shirkado macdanta ka ganacsada seeraha aadka u weyn ee Amazon.

Dhul ahaan wuxuu ku fadhiyaa 46,000 oo Km oo isku wareeg ah, waxaana la aaminsan yahay inay ka buuxaan Dahab, bir, Manganese iyo macdan kale.

Xaakim ka tirsan Federaalka ayaa joojiyey wareegto uu soo saaray madaxweynaha taasoo u rogaysa kaynta Amazon dhul macdanta lag qodo.

Qareennada madaxweyne Temer ayaa hadal qoraal ah ku sheegay in xukuumaddu ay go'aankaas racfaan ka qaadan doonto. Halka xuddunta u ah murankan ayaa ah qayb ka mid ah kaynta oo le'eg dhulka uu ku fadhiyo dalka Denmark.

Wareegto kale oo goor dambe la soo saaray ayaa lagu sheegay in aan wax macdan ah laga qodi doonin qaybta loo yaqaanno Renca si loo dhawro deegaankaas.

Xukunka maxkamadda waxaa kale oo ku jira in go'aan kasta oo seerahaas ku saabsan ay tahay in la hor geeyo koongareeska Brazil si uu uga doodo.