Minneapolis: Waddo loogu magac daray nin Soomaali ah.
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Minneapolis: Waddo loogu magac daray nin Soomaali ah.

Waxa magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka laga dhaxgax dhigay waddo loogu magacdaray Allaha u naxariistee Xuseen Samatar, oo ahaa ninkii ugu horeeyey ee Soomaali ah ee xil loo doortay ka qabta wadanka Maraykanka.

Dhagax dhigga jidka cusub waxa ka qaybgalay madax badan oo ay ka mid ahaayeen duqii hore ee magaaalada Minneapolis oo fikradda lahaa iyo duqa hada ee magaalada.

Wariyaha BBC-da Maxamed Xaaji Xuseen, ayaa xafladdii dhagax dhigga waraysi kula yeeshay Cabdi Warsame oo ah gudoomiyaha dagmada 60 B ee jidka laga dhisayo iyo Ubax Jaamac Biixi oo ah xaaskii uu ka tagay Allah ha u naxariistee Xuseen Samatar, waxaana hadalka ku horraynaya Cabdi Samatar.