Shacabka Kenya maxay ka filayaan Barlamaanka cusub.
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Shacabka Kenya maxay ka filayaan Barlamaanka cusub.

Maanta waxaa la dhaarin doonaa xubnaha baarlamaanka cusub ee dalka Kenya, kadib doorashadii guud ee dhawaan ka dhacday dalka.

Wajiyo badan oo cusub ayaa ku jira baarlamaankan, ayadoo mudanayaashii baarlamaankii hore ugu jiray gobolka Waqooyi Bari Kenya dib loo soo doortay saddex xildhibaan oo keliya.

Isbahaysiga mucaaradka ah ee NASA oo horay u sheegay inuu ka baaraandegayo in xildhibaannadiisa ay ka qeybgalaan munaasabadda dhaarinta ee maanta, ayaa shaaciyay inay ka qeybgeli doonaan.

Hadaba maxay shacabka Soomaalida ah ee Waqooyi Bari ay ka filayaan xildhibaannada ay soo doorteen? Waa kuwan qaar ka mid ah oo fekerkooda dhiibanaya.