'Dhimashaan ka doorbidi in dhaqankaygu suulo'

Dumarka qawmiyadda Himba ayaa maalinkaste isqurxin ahaan u marsada wax guduudan
Image caption Dumarka qawmiyadda Himba ayaa maalinkaste isqurxin ahaan u marsada wax guduudan

Qawmiyadda Himba ee dalka Namibia waxay ka badbaadeen xasuuqii ciidammada Jermalka ee agagaarkii sanadihii 1900, balse hadda waxay halis wayn soo wajahday qaab nololeedkoodii iyadoo ay midda casriga ah dhex galayso.

Wax yar ayaa iska badalay tuulada Omuhoro oo ay jiilal kala duwan ku soo noolaayeen, go'doonna ka ahayd dunida inteeda kale.

Markuu waagu baryo waa xilligii caano lisidda, waana mid ka mid ah shaqooyinka maalin laha ah ee ay dumarka tuuladu qabtaan.

Maalmuhu way dheer yihiin laakiin qof kaste door ayuu leeyahay.

Dumarka waawayn kiiloomitirro ayay socdaa si ay u soo dhaamiyaan biyo xaabana u soo guraan, halka kuwa kalana ay diiradda ka saaraan sidii ay u karin lahaayeen cunto ku filan si ay u quudiyaan dadka.

Image caption Qawmiyadda Himba ayaa sidan u soo noolayd muddo dheer

Wiilashu inta badan waxay raacaaan lo'da iyo adhiga, gabdhuhuna waxay xannaaneeyaan carruurtan tirada badan ee meelaha orordaya, masuuliyad la wadaagayo ayaa meesha ka muuqata.

Laakiin tan iyo markii ay Namibia xornimada qaadatay 1990yadii noloshii qaabab kala duwan ayay u kala miirantay.

'Carruurtu waxay dareemaan xishood'

Dhallinyaro tiro badan oo wiilal iyo gabdho leh ayaa billaabay in ay isaga tagaan nolosha gaabiska ku socota ee tuulada, si ay ula jaanqaadaan xadaaradda dunida ka jirta.

Qaar dadka ka mid ah ayaa hadda ka walaacsan in arrintaasi ay ugu dambayn horseedi doonta in uu dhinto dhaqanka Himba.

Owen Kataparo, oo ka soo jeeda qawmiyadda Himba kuna koray tuulada Omuhoro, ayaa igeeyay gobolka Kunene oo ku yaalla waqooyiga-bari Namibia oo ah dhul aan roob badnayn, si uu ii tuso sida ay isu badalayso nolosha bulshadiisa.

Waxaa na soo dhaweeyay Nongaba oo ah caaqilka tuulada. Wuxuu qabaa afar xaas wuxuuna dhalay 19 carruur ah, waa nin yar laakiin awood ayuu leeyahay.

Saddex ka mid ah carruurtiisu iskuul ayay dhigtaan, qaar ka mid ah dadka tuuladuna waxay u arkaan fikrad xun. Waxay sheegeen in ay arkeen sida iskuulku u badalay nolosha carruurtooda.

Kataparo 'wuu ku raacsan yahay aragtidaas'

"Carruurtan badan kood markay iskuulka aadaan waxay dareen wajigabax, waxayna u arkaan in carruurta intooda badan ay iyaga ku sheekaysanayaan, oo is tusayaan in aysan qurux badnayn," sida uu ii sheegay

Isu ekaysiinta

Qawmiyadda Himba waxaa lagu yaqaannaa waxyaabo ay marsadaan oo laga sameeyo waxyaabo kala duwan oo ay isku dhex daraan oo ka kooban duxda xoolaha dhagaxaan deegaankaas laga helo iyo dambas.

Meesha aan fadhiyo waxaa dhawr tallaabo u jira haween oogada marsanaya waxyaabahaas la isku qasay.

Midabka jirkooda ee madowga casaan xigeenka ah ayaa iftiima marka ay qabato qoraxda Namibia. Waxay ii sheegeen in qaabkan ay isku qurxiyaan ayna tahay waxa ay kaga duwan yihiin dadka kale.

Waxaase iga yaabiyay in Kataparo uu ku labisan yahay dharka reer galbeedka - sarwaal dabagaab kaaki ah iyo shaati buluug ah.

Ninkan oo hadda ah ganacsade heer gaaray ayaa sheegaya in labiskan uu takoorayo, isla markaana uu u baahan yahay inuu dadkan la labis noqdo.

"Marka aan dharka dhaqanka ku labisto meel ka baxsan tuulada, si layaab leh ayay dadku ii fiiriyaan. Balse markaan tuulada joogo, dad badan ayaa wax iga iibsada, waa la xushmeeyaa, si fiican ayayna ii dhagaystaan," ayuu yiri Kataparo.

Image caption Dumarka qawmiyadda Himba ayaa indha soo jiita marka ay tagaan meel ka baxsan tuulooyinkooda

Dhallinyarada tuulada ayaa u arka Kataparo mid ku dayasho mudan oo guul ka gaaray noolasha. Ninkan ayaa rumaysan in dhallinyaro badan oo noolal wanaagsan u doonta magaalooyinka waaweyn ay dhibaato halkaa kala kulmaan, qaarkoodna ay noolashooda kharribaan.

Magaalada ugu dhaw tuuladan ayaa ah Opuwo oo uu gaariga u soconayo muddo saacad ah.

Maqaayadaha iyo dukaamada waaweyn ee ku yaalla magaaladan ayaa dadka tuulada dareensiiya noolal ka duwan tan ay haystaan.

Baar lagu magacaabo Arsenal ayaa ah goobta ay inta badan isugu tagaan dadka qowmiyadda Himba ee ku nool Opuwo, waxaana leh nin qowmiyadaasi u dhashay oo lagu magacaabo Seblon Nghiphangelwa, isla markaana saaxiib la ah Kataparo.

Dadka isugu yimaada baarkan ayaa meel iska dhiga noolasha tuulada, waxayna ka sheekeystaan waxa caalamka ka socda.

"Mararka qaar waxaan ka xumaadaa inaan arko qof Himba ah oo halkan khamri ku dawaqay, iyo weliba kuwa xiran labiska reer galbeedka," ayuu ii sheegay Nghiphangelwa.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
DAAWO: Cunidda hilibka ceyriinka ah oo looga digay shacabka Itoobiya

'Dunidu way isbedeshay'

Caaqil Nongaba-ha tuulada Omuhoro ayaa sheegaya in tallankan aan laga baaqsan doonin.

Maadaama uu yahay madaxa tuulada, waxaad ka fili lahayd inuu u dagaallamo ilaalinta dhaqankii hore, haseyeeshee wuxuu carruurtiisa u diyaarinayaa inay ku noolaadaan meel ka baxsan tuulada, isagoo waxbarasho u dira.

Caaqil Nongaba oo qudhiisa aan waxba baran ayaa sheegaya inay mas'uuliyad ka saaran tahay hagaajinta mustaqbalka carruurtiisa, si ay ugu noolaadaan magaalooyinka waaweyn.

"waxaan rabaa inay noqdaan dhakhaatiir, macallimiin, iyo shaqaale dowladeed. Waxaan u rabaa noolal ka duwan tan aan hadda haysano. Waxaan rabaa inay noqdaan sidaada oo kale," ayuu igu yiri.

"Sabab?" ayaan weydiiyay, wuxuuna ku jawaabay: "dunidu way isbedeshay."

Balse mid ka mid ah xaasaskiisa oo lagu magacaabo, Mama Moharerwa, ayaa ii sheegtay in dadkooda ay ku haboon tahay noolasha tuulada, sannado badan ay ku noolaayeen isla markaana aanay la qabsan karin noolasha magaalada.

Dadka la midka ah Kataparo ayaa ku dhex wareeray noolasha casriga ah iyo jaceylka ay u qabaan dhaqankooda qadiimiga ah.

"cabsi badan ayay i gelisaa. Waxaan doorbidi lahaa inaan geeriyoodo ka hor inta aanu baabi'in dhaqanka dadkayga."

Image caption Caaqil Nongaba wuxuu doonayaa in carruurtiisu ay la jaanqaado casriga
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Dhageyso: Masiixiyiinta caba caanaha geela