Britain oo dhimaysa kala bar gargaarka ay Nigeria siiso

Priti Patel Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Priti Patel

Dawladda Britain ayaa dhimaysa kala bar lacagta ay siiso dalka Nigeria ee loogu talagalay gargaarka banii'aadminimo.

Kharashkaas la dhimayo ayaa dhici doona dhawrka sano ee soo socda.

Ujeedada lacagtan ayaa ahayd in lagu taakuleeyo dadka ay waxyeeladu ka soo gaartay weerrada argagixiso ee kooxda Booko Xaram ay ka gaysato bariga dalka Nigeria.

Wasiirka hormarinta caalamiga ah ee Britain, Priti Patel, oo booqasho labo maalmood ah ku tagtay dalka Nigeria ayaa xukuumadda ugu baaqday in ay wax wayn ka qabato jabinta kooxaha xagjirka ah.

Waxay intaas ku dartay in dalalka kalana looga baahan yahay in ay ka qaybqaataan culayska gargaarka loo baahan yahay.

Weerarrada Bookoo Xaram ayaa barokiciyay in kabadan hal milyan iyo bar dad ah, taas oo dhibaato wayn u gaysatay dalagii dalka gudahiisa ka soo bixi jiray, horseedayna nafaqo darro ballaaran.