Ninkii Manchester qarxiyay walaalkii oo Liibiya lagu maxkamadaynayo

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Liibiya ayaa baahisay sawirka Hashem Abedi bishii May Lahaanshaha sawirka LIBYAN INTERIOR MINISTRY
Image caption Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Liibiya ayaa baahisay sawirka Hashem Abedi bishii May

Hashem Abedi, oo ah wiilka ka yar Salman Abedi oo ah ninkii ka dambeeyay qarixii magaalada Manchester ayaa lagu maxkamadaynayaa dalka Liibiya, isaga oo lagu tuhunsan yahay in uu gacan ka gaystay weerarka, sida BBC-da loo sheegay.

Wiilkan 20 jirka ah ayaa lagu xiray dalka Liibiya wax yar uun ka dib markii uu dhacay weerarkii is qarxinta ahaa ee 22ka ruux galaaftay bishii May.

Asadiq al-Sour oo ah ninka u wayn baaritaankan ayaa sheegay in Abedi looga shakisan yahay in uu gacan siiyay walaalkii uuna arruuriyay waxyaabihii qaraxa loo adeegsaday.

Booliiska Britain ayaa horay su'aalo ugu waydiiyay wiilka magaalada Tripoli, sida ay uu sheegay Abedi.

Aabahood Ramadan oo isna lagu xiray Liibiya ayaa la sii daayay.

Lahaanshaha sawirka .
Image caption Salman Abedi ayaa Manchester ku dhashay 1994tii

Dalka Liibiya waxaa hadda ka taliya labo dawladood oo iska soo horjeeda, Sour-na wuxuu u shaqeeya garabka taageerada ka haysta Qarammada Midoobay ee fadhigeedu yahay Tripoli.

Dagaalo ayaa ragaadiyay dalka Liibiya tan iyo 2011kii markaas oo kacdoonkii ay Nato taageertay lagu riday Mucamar Al-Qadaafi oo wakhti dheer talada hayay.