Ardayad si qalad ah ku heshay hal milyan oo dollar

Jaamacadda waxay dooneysaa in ardayaddu ay dib u soo celiso lacagta Lahaanshaha sawirka Alamy
Image caption Jaamacadda waxay dooneysaa in ardayaddu ay dib u soo celiso lacagta

Jaamacad ku taalla Koonfur Afrika ayaa baareysa waxa sababay in ardayad ay hesho hal milyan oo dollar oo dayn ah.

Qaladka ayaa la ogaaday ka dib markii sawir laga qaaday lacagta ku jirto akoonka ardayadda, uu aad u faafay.

Afhayeen u hadlay Jaamacadda Walter Sisulu (WSU) ayaa ardayadda ku eedeeyay in qeyb ka mid ah lacagta ay ku damaashaaday, sida wargeys dalkaasi ka soo baxa uu ku warramayo.

Ardayadda oo aan la magacaabin waxay sheegtay in maamulka jaamacadda ay ku wargelisay qaladkaasi dhacay.

Waxaa sidoo kale la soo xigtay iyadoo leh "waan celiyay lacagta".

'Masuuliyadda ardayadda'

Laakiin Jaamacadda waxay ku adkeysaneysaa in gabadha ardayadda ah "ay masuul ka noqoneyso shillin kasta oo ay isticmaasho", Wargeyska News24 ayaa sidaas ka soo xigtay afhayeenka Yonela Tukwayo.

Ardayda dalka Koonfur Afrika waxaa la siiyaa lacag dayn ah oo ay isaga bixiyaan qarashka buugaagta, jiifka iyo Cuntada.

Lacagtaas waxay ka helaan laanta taakuleynta ardayda ee dowladda (NSFAS), waxaana ardeyda laga doonayaa in ay daynta iska bixiyaan qalinjebinta ka dib.

NSFAS ayaa WSU ku eedeysay qaladkaasi dhacay. Qoraal ay ku baahisay Twitter-ka ayey ku sheegtay in lacagta ay tahay in Jaamacadda ay qaado, ka dibna ay ardayga u gudbiso.

"Marka uu hannaankan qalad ka dhaco, waxaa sabab u ah jaamacadda," ayay tiri NSFAS.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan