Maxkamad diiday sharciga cusub ee Soo galootiga Taxes

Dibadbaxayaal ayaa isugu tagay duleedka maxkamad bishii June, waxayna diidanaayeen sharciga Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Dibadbaxayaal ayaa isugu tagay duleedka maxkamad bishii June, waxayna diidanaayeen sharciga

Garsoore Mareykan ah ayaa joojiyay sharciga cusub ee socdaalka ee la doonayay in lagu ciqaabo soo galootiga ku nool magaalooyiinka waaweyn.

Sharcigaasi ayaa la filayay in uu dhaqan galo Jimcaha, laakiin maxkamadda federaalka ee Taxes ayaa xukuntay in uusan dhaqan gali karin.

Sharciga ayaa ogolaanayay in laamaha amniga laga dalban karo in ay qabtaan dadka sharci la'aanta ah, ayna hayaan si loo musaafuriyo.

"Magaalooyiinka waaweyn" waxay cadaadis kala kulmeen madaxweyne Trump ka dib amar uu soo saaray isbuucii ugu horeyay ee shaqada xafiiska madaxweynaha.

Garsooraha diiday sharciga ayaa sheegay in uusan la jaanqaadi karin dastuurka. Wuxuu si gaar ah u diiday qeybta muhiimka ah ee loo yaqaano SB4.

Go'aan oo 94 bog ka kooban oo uu aqriyay garsoosarha waxaa qeyb ka ahaa: "Waxaa jirto cadeyn aan caadi ahayn oo saraakiisha gudaha bixiyeen oo ay ka mid yihiin laanta amniga gudaha, iyo in SB4 uu dhaawacayo kalsoonida shacabka, bulshooyiinka qaarna uu ka dhigayo kuwo dareemo inaysan nabadgalayn".

"Sidoo kale waxaa jiro cadeyn ah in dhibaato dhaqaale uu yeelanayo sharciga, kaas oo dhaawici kara gobolka Taxes," ayuu yiri garsooraha.

Wuxuu sheegay in maamulka gobolka uusan awood u lahayn in uu carqaladeeyo dastuurka.

Barasaabka Taxes Greg Abbott ayaa sheegay in go'aanka uu Taxes ka dhigayo meel ay nabadda ku yartahay.

Wuxuu sheegay in uu si degdeg ah racfaan uga qaadan doono xukunka. Wuxuu sidoo kale filayaa in ugu dambeyn go'aankiisa la taageeri doono.

Amarkii madaxweyne Trump ee bishii January wuxuu ku saabsanaa arrimo badan oo socdaalka la xiriiro.

Balse wuxuu si gaar ah xeerarka u taabanayaa dadka aan sharciga haysan ee ku nool magaalooyiinka waaweyn kaas oo loo bixiyay "sanctuary cities".

Sharciga hadda maxkamadda diiday waxaa ansixiyay golaha Taxes, horraantii sanadkan, wuxuuna noqon lahaa kii ugu horeeyay ee noociisa ah oo la sameeyo tan iyo markii uu soo baxay amarkii Trump.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan