Suudaanta koofureed oo ku adkaysanaysa in doorashooyin la qabto

Wasiirka warfaafinta Suudaanta koofureed Michael Makuei Lueth (bidix) oo saxaafadda la hadlaya Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Wasiirka warfaafinta Suudaanta koofureed Michael Makuei Lueth (bidix) oo saxaafadda la hadlaya

Xukuumadda Suudaanta koofureed ayaa wacad ku martay in ay qabanayso doorashooyin guud sannadka dambe, inkastoo ay dalka dagaallo ka socdaan.

Wasiirka warfaafinta, Michael Makuei Lueth ayaa sheegay in dagaalka uusan joojin doonin inay dhacdo doorashada 2018.

"Markii wakhtiga doorashooyinka la gaaro, waa in la qabto, waayo nabad gelyo darrdada ma noqon karto sabab aan loo qaban doorashada" ayuu yiri Lueth oo Arbacadii casimadda Juba warbaahinta kula hadlayay.

Wuxuu meesha ka saaray wasiirka warar sheegayey in ay jiraan dadaallo heer gobol ah oo la doonayo in dib loogu soo celiyo hogaamiyihii fallaagada, Riek Machar, oo iminka lagu hayo Koofur Afrika.

Wuxuu sheegay in loo ogolaanayo oo kaliya inuu dalka ku soo laabto haddii uu iska diido fallaaganimada.

Hadalka wasiirka ayaa imaanaya todobaad ka dib markii ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Suudaanta koofureed uu ka digay in dalka ugu da'da yar Afrika ay dhibaatooyin soo foodsaari karaan haddii arrimaha hadda taagan aan xal loo helin wixii ka horreeya doorashooyinka.

Horraantii Agoosto ayaa madaxweyne Salva Kiir wuxuu ugu baaqay kooxaha mucaaradka ee dalkaas inay u diyaar garoobaan doorashooyinka guud ee dalka ka dhici doona, kuwaasoo lagu wado in la qabto marka uu dhamaado wakhtiga KMG ee dawladda midnimada qaran oo ku eg 2018.

Tobanaan kun oo qof ayaa la dilay, in ka badan 2 malyan oo qofna waxay ka bara kaceen colaadda dalkaas ee ka dhalatay farqiga siyaasadeed ee u dhaxeeya Madaxweyne Kiir oo ka soo jeeda qabiilka Dinka, iyo Machar oo u dhashay Nuer.