Xus loo samaynayo geeridii Diana 20 sano kadib

Diana Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Diana

Kumanaan dad ah ayaa ka qeybqaadanaya xus baroordiiq ah oo loo samaynayo geeridii amiirad Diana oo shil gaari ku geeriyootay shil gaari oo ka dhacay magaalada Paris.

Gabadhan oo uu mar ku tilmaamay 'amiirada dadka' Ra'isulwasaarihii Britain Tony Blair ayaa shil gaari ku dhimatay 31-dii Agoosto, 1997-dii iyada oo 37 jir.

Wiilashii ay dhashay Amiir Harry iyo Amiir William ayaa booqday goob ubax badan la dhigay oo loogu baroordiiqayay, waxayna sheegeen in hooyadood ay ahayd qof dadka oo dhan ka baxay.

Inkasta oo qoyska boqortooyada Britain ay baroordiiqda u samaynayaan si gaar ah, haddane waxaa jira munaasabado dadweynaha ay ka qeybgalayaan oo dalka meelo kala duwan ka dhacaya.

Diana ayaa waxa ay caan ku ahayd arrimaha samofalka, waxayna ahayd dadka ugu caansan adduunka.

Waxa ay kala tageen ninkeeda Amiir Charles oo ay u dhashay labo wiil.

Sir Elton John, waxa uu ka mid ahaa dadka caanka ah ee saaxiibada la ahaa Diana, waxana ay ka wada shaqeeyeen ololihii la dagaalanka Aids, waxa uu tacsi u diray qoyska Diana, wuxuuna soo qoray "20 sano ka hor maanta, adduunka waxa uu lumiyay qof wanaagsan".

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Dad ubax dhigaya goob loogu baroordiiqayay Diana