Faransiiska oo xeerka shaqaalaha dib u habaynaya

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron

Dowladda Faransiiska ayaa daboolka ka qaadey barnaamij weyn oo ay wax kaga bedeleyso xeerarka shaqada loona arko tijaabadii ugu weyneyd ee dowladda cusub ee uu hogaaminayo Madaxweyne Emmanuel Macron.

Qorshayaasha cusub ayaa yareynaya awoodaha ururada shaqaalaha, waxaana fududaanaya in ay shirkaduhu shaqaalaha qoran karaan oo ay eryi karaana.

Waxa kale oo la filayaa in isbedeladani ay yareyn doonaan magdhowga marka qof shaqaale ah shaqada laga eryo, mararka qaarkoodna ay shaqaalaha iyo shirkaduhu dhameysan karaan haddii uu khilaaf soo dhex galo iyada oo aanay wehelin ururada shaqaaluhu.

Qorshahan ayaa loogu talagalay in uu kor u qaado dhaqaalaha wadanka sida oo kalena lagu yareeyo shaqo la'aanta oo iminka taagan boqolkiiba 9.5

Ururka ugu weyn shaqaalaha ayaa ku dhawaaqay in shaqo joojin la sameeyo.

Ra'isal wasaaraha Faransiiska Edouard Philippe, ayaa shir jraa'id oo uu ku qabtey magaalada Paris ku sheegey in ahmiyada ugu weyn ay tahay sidii dadka shaqo loogu abuuri lahaa.