Itoobiya ma noqon kartaa xuddunta wax soo saarka Afrika?

Dhaqaalaha ay shirkaddaha ajaaniibta ahi siiyaan shaqaalaha Itoobiya ayaa aad u hooseeya
Image caption Dhaqaalaha ay shirkaddaha ajaaniibta ahi siiyaan shaqaalaha Itoobiya ayaa aad u hooseeya

Itoobiya waa dalka labaad ee ugu dadka badan qaaradda Afrika, waxaana sare u kacaya dhaqaaleheeda iyo dadaalka ay wax uga qabaneyso shaqa la'aanta.

Shaqaalaha warshadda oo ku heesaya astaanta qarankooda ayaa dhameynayo shaqada ay hayaan, waxayna bilaabayaan mid kale.

Dhanka dibadda, basas ayaa safaf ku jira waxayna ku sugan yihiin xarunta warshadaha ee Hawassa.

Kumannaan shaqaalaha warshadda dharka ah oo dumar u badan ayaa dhex socda warshadda.

Shaqaalaha qaar way baxayaan, kuwa kalena way soo galayaan, waxayna billaabayaan dhar tolid, feereyn iyo hagaajinta shaararka iyo dharka kale ee la tolay.

Xarunta waxaa lagu tilmaamay inay tahay midda Afrika ugu wayn. cabirkeedu wuxuu yahay 149 hektar oo warshado keli ah ay ku yaallaan.

Waxaa ka mid ah mid warshad sifaysa iyo mid dharka lagu tolo.

Lix bilood ka hor ayaa xaruntan laga sameeyay Koonfurta Itoobiya, 10 kun oo qof ayaana hadda ka shaqeysa. Waxaa la filayaa in shaqaalaha la gaarsiiyo 60 kun.

"Mushaarka ma wanaagsano," ayuu yiri mid ka mid ah dhallinyarada ka shaqeysa halkan, kaas oo lix bilood la barayay sida dharka loo jarjaro loona tolo.

"Laakiin lacag doon uun ma ahi. Fursado ayaa u abuurmaya dadka aniga ila mid ka ah ee dalka oo dhan".

Image caption Dowladda waxay fileysaa in xarunta warshadaha ee Hawassa ay 60 kun oo qof shaqo u abuurto

Waxaa jirta rajo wanaagsan oo ah awoodda shaqada taas oo keeni karta in dadkan ay shaqo u gaar ah yeeshaan mustaqbalka.

Tan waxay ka mid tahay tobannaan xarrumo warshadeed oo laga dhisayo Itoobiya oo dhan.

"Ballaarinta iyo dhisidda meelo u gaar ah warshadaha waa wax aan anagu dooranay," ayuu yiri Arkebe Oqubay, oo ah lataliyaha gaarka ah ee Ra'iisul wasaare Hailemariam Desalegn.

'Shiinaha oo wax laga barto'

Waxaa la saadaalinayaa in dadka Afrika ay laba jibbaarmaan marka la gaaro 2050-ka, in dadkaas ay shaqo helaanna waa mid u baahan in hadda laga fikiro.

"Tirada dadka waxay kordhaysaa boqolkiiba 5, waxaan u baahannahay in hal milyan oo qof aan shaqo siino," ayuu yiri Arkebe.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Shirkadaha Shiinaha ayaa maalgeliyay qeybta gaadiidka dad waynaha ee Itoobiya

Itoobiya Mustaqbalka ayey u dhismeysaa, xajmiga iyo hammiga ku jirana waa mid aad loola dhaco.

Xarumo warshadeed oo keli ah ma ahan kuwa dhismaya, sidoo kale guryo raqiis ah ayaa loo dhisayaa shacabka, jidad waaweyn ayaa sidoo kale la hagaajinayaa iyo qad tareen oo koronto ku shaqeeya oo ku xira dekadda dalka deriska la ah ee Jabuuti.

"Shiinaha ayaan wax ka baran karnaa, taas oo ah inaan maalgashi mustaqbalka sameysano, dhismahana iyo wax soo saarkana waa muhiim. Waxaan aragnay Shiinaha oo meel hoose ka soo billaabay, haddana noqday dalka ugu wax soo saarka badan," ayuu yiri Arkebe.


Xaqiiqooyiinka Muhiimka ah ee xarunta warshadaha Hawassa:

  • Xarunta ugu wayn ee Warshadaha Itoobiya
  • Waxaa sagaal bilood gudahood ku dhisay Shiinaha
  • Waxaa deggan 18 shirkadood oo ka kala yimi 11 dal
  • Waxaa u badan warshadaha dharka
  • Waxaa ka shaqeyn kara 60 kun oo qof
  • Qiiq ma lahan warshadani, waxaana loo badalayaa biyo 90%

Shiinaha waa mid ka mid ah dalalka ay Itoobiya ku deyaneyso, laakiin Itoobiya ayada ayaa si dhow u maamuleysa dhaqaaleheeda.

Sidoo kale Itoobiya waxay xakameyneysaa axsaabta mucaaradka, waxaana lagu dhalleceeyay xoriyad qowl la'aan iyo inaysan ka jirin xuquuq aadane.

Amar degdeg ah oo sagaal bilood saarnaa dalka ayaa dhowaantan la qaaday. Dibad baxayaal ayaa awood loo adeegsaday, hogaamiyayaal mucaarad ayaana la xiray.

Laakiin jaamacadda Hawassa, ardey ka qalin jebiyay oo lagu magacaabo Woyneab Habte, wuxuu dhowaantan ka soo noqday Mareykanka, wuxuuna isla simay koboca dhaqaalaha iyo dimuquraadiyadda iyo xoriyadda.

"Micnuhu ma ahan in mid uu ka muhiimsan yahay kan kale," ayey tiri.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Mucaaradka waxay dalbanayeen xoriyad siyaasadeed

Arkebe wuxuu qirtay in ay ka shaqeynayaan hormarinta arrimaha aadanaha iyo xoriyadda siyaasadda.

"Hagaajinta dimuquraadiyadda, joogteynteeda waxay u baahan tahay dadaal dheer oo jiilal badan qaata, waana ognahay taas, waxaana gelineynaa dadaal badan in kastoo aan hormar ka sameynay hadda", ayuu yiri.

Maal gashadayaasha caalamiga ah waxaa soo jiita dowlad xoog badan.

Xafladdii lagu furay Hawassa, waxaa ku sugnaa saraakiil sare oo ka tirsan shirkadaha xarunta ka dhigtay, waxayna dhageysteen hadalkii uu jeediyay Ra'iisul wasaaraha.

Shirkad wayn oo Mareykanka laga leeyahay oo ay leeyihiin Calvin Klein iyo Tommy Hilfiger ayaa ka mid ah kuwa xarrumaha ka sameystay xaruntan.

Image caption Dowladda waxay fileysaa in Itoobiya ay meel lagu deydo u noqoto Afrika

Itoobiya waxay sameysatay hammi ay ku eeganeyso aragti fog oo ay gaarto ugu dambeyn 2025 - si ay u hogaamiso wax soo saarka qaaradda AFrika.

"Dhaqaalaha Itoobiya ayaa kobcaya boqolkiiba 11 sannad kasta, tobanko sano ee soo socotana sidaas ayuu ku sii socon doonaa, qeybta wax soo saarkana waxay gaari doontaa kobac dhan boqolkiiba 25, sanad kasta," ayii yiri Arkebe.

Xalka Afrika ma ahan oo keli ah warshadeyn ayadoo dadku ay sii badanayaan, balse xalka wuxuu ku jiraa in meesha laga saaro kala qeybsanaanta.

Haddii Itoobiya taas ay ku guuleysato, waxay qaaradda u noqoneysaa meel ku deyasho mudan.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan

Goobaha kale ee BBC-da