Maraykanka oo muwaadiniintiisa ka mamnuucay inay aadaan Pyongyang

Dalxiiska Kuuriyada waqooyi tartiib ayuu u soo kobcayaa Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Dalxiiska Kuuriyada waqooyi tartiib ayuu u soo kobcayaa

Waxaa dhaqan gashay mamnuucis uu Maraykanku ku soo rogay muwaadiniintiisa inay u safraan Kuuriyada waqooyi, xilli ay sare u sii kacayso xiisadda ka dhalatay gantaalladii ay Kuuriyada waqooyi ridday.

Xukunkan cusub waxaa lagu dhawaaqay ka dib geerida arday Maraykan ah oo la oran jiray Otto Wambier oo dhintay in yar ka dib markii laga sii daayey xabsi ku yaalla Kuuriyada waqooyi.

Xafiiska arrimaha dibadda ee Maraykanka wuxuu sheegay in go'aanku uu ahaa mid lama huraan u ah "sababo la xiriira khatar sii kordhaysa" oo ah mid xarig keeni karta.

Muwaadinkii Maraykan ah ee jabiya xukunka wuxuu wajihi karaa ciqaab dambiilenimo iyo in baasaboorka lagala laabto.

Kaliya waxay dawladda Maraykanku u ogolaan doontaa ruqsad muwaadiniinta Maraykanka ah ee doonaya inay aadaan Kuuriyada waqooyi "duruufo xaddidan" sida suxufiyiinta iyo hawlaha bani aadminimada.

Xafiisyada tikidhada gooya waxay sheegeen in ilaa 1,000 qof oo Maraykan ah ay sannadkii booqdaan Kuuriyada waqooyi, kuwaasoo noqonaya 5 meelood oo meel dadka reer galbeedka ee dalkaas taga. Badi ajnabiga dalkaas taga ayaa u dhashay Shiinaha. Khamiistii ayuu muwaadinkii u dambeeyey ee Maraykan ah ka soo baxay Pyongyang.

Sannadkii hore ayey ahayd markii Otto Wambier la qabtay oo lagu xiray dalkaas, ka dib markii Pyongyang ay ku eedeysay inuu calaamad borobagaando ah ka soo qaatay Hotel xilli uu dalxiis u joogay.

Bishii Juun ayey ahayd markii la soo daayey, laakin wuxuu ku jiray suuxdin dheer, in yar ka dibna wuu dhintay isagoo aan soo miyirsan. Sababta dhimashadiisa ayaan weli caddayn.

Ilaa 60 muwaadin oo Maraykan ah oo ka shaqaysta ama xubnaha qoyskoodu ka shaqaystaan jaamacadda sayniska iyo tiknoloojiyada ee Kuuriyada waqooyi ayaa ka soo baxaydalkaas sida ay sheegayso Reuters.

Mamnuucista safarka ayaa imaanaysa ayadoo ay sii kordhayso xiisadda labada dal u dhaxaysa iyo tan gobolka ka taagan. Todobaadkii hore ayey ahayd markii ay Kuuriyada waqooyi gantaal dul marisay Japan.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa dhawaan wacad ku maray in "dab iyo caro" uu kala dul dhici doono Kuuriyada waqooyi, hadalkaasoo jawaab u ah hanajabaadda dalkaas, wuxuuna intaa ku daray in milateriga Maraykanku uu "diyaar yahay".