UEFA oo baaritaan ku bilowday kooxda Paris Saint-Germain

Barcelona Lahaanshaha sawirka EPA

Guddiga maamulka kubadda cagta ee Yurub ee UEFA ayaa baaritaanno rasmi ah ku bilaabay kooxda Faransiiska ah ee Paris Saint-Germain, iyadoo lala xiriirnayo heshiiska ay kula gashay cayaar yahanka Neymar ee u dheeli jiray kooxda Barcelona lacag dhan labo boqol iyo lixdan milyan oo doollarka Mareykanka ah.

Kooxda PSG ayaa waxay sidoo kale cayaar yahanka Kylian Mbappe heshiis kula gashay lacag qaddarkeeda lagu sheegay in ka badan labo boqol oo milyan oo doollarka Mareykanka ah.

Kooxda Barcelona ayaa ciyaaryahnkoodii hore ee Neymar u haysta 8.5 milyan oo euro ama 10 milyan oo doolar.

Barcelona ayaa hadda doonaysa in uu soo celiyo lacagihii abaalmarinta ahaa ee la siiyay markii uu sixiixay qandaraaska cusub ee shanta sano ah sagaal billood ka hor, ka hor intii uusan kooxda ku cadaadinin in uu isaga tago.