Arday ku dhimatay Dab ka kacay iskuul ku yaalla Kenya

Arday Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Arday

Todobo gabdhood oo arday ah ayaa ku dhimatay dab ka kacay iskuul ku yaalla dalka Kenya.

Dabka ayaa qabsaday qolalka la seexdo ee iskuulka gabdhaha ee Moi Girls ee ku yaalla caasimaad Nairobi .

16 qof oo laba ka mid ah ay qabaan dhaawacyo halis ah ayaa loola cararay isbataalada.

Dowlada Kenya ayaa sheegtay in muddo laba todobaad ah la xirayo iskuulkani oo ah kuwa la seexdo si baaritaanada fursad loo siiyo.

Ma cadda ilaa iyo imika waxa sababay dabka qabsaday iskuul gabdhaha Moi Girls ee ku yaalla xaafada Kibera ee Nairobi.