Frankfurt oo isu diyaarinaysa inay qarxiso bam weyn

Goobta uu yaal bambka la qarxin rabo ayaa soo jiidatay indhaha dadka deegaanka iyo dalxiisayaasha Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Goobta uu yaal bambka la qarxin rabo ayaa soo jiidatay indhaha dadka deegaanka iyo dalxiisayaasha

Tobannaan kun oo qof oo ay ku jiraan bukaano lagu hayay isbitaallada magaalada Frankfurt ayaa waxaa laga daadgureeyey magaaladaasi, taas oo noqonaysa middii ugu ballaarneyd tan iyo Dagaalkii Labaad ee Adduunka.

Magaalada ayaa isu diyaarinaysa in la qarxiyo bam ka haray Dagaalkii Labaad ee Adduunka, iyadoo durbadiiba ay tobannaan kun oo qof ay guryahooda faarujiyeen.

Goobaha dadka laga daadgureeyay waxaa sidoo kale ka mid ah isbitaalada iyo dhismaha Bangiga Dhexe ee dalkaasi Jarmalka oo ay yaalaan tobannaan bilyan oo doolar oo dahab ah.

Dadka bukaanka ah ee ku jiray qeybaha xaaladda deg degga ee isbitaalada ayaa ahaa dadkii ugu horreeyay ee halkaa laga saaro, waxaana booliska ay haatan adeegsanayaan qalab casri ah oo ay ku xaqiijinayaan in dhammaan guryaha la faarujiyay.

Gudaha dalka Jarmalka waxaa daadsan boqolaal kun oo ah bambooyinka gantaalo cul-culus oo aan qarxin, kuwaasi oo loo adeesanayay Dagaalkii Labaad ee Adduunka.

Khubarada ayaa waxa ay sheegayaan in ay tobannaan sano qaadaneyso in dhammaan walxahaasi qarxa laga saaro dalka Jarmalka.

Bamkan sababay in dadka laga daadgureeyo guryahooda ayaa xilligii Dagaalka Labaad ee Adduunka waxaa halkaa ku tuuray diyaaradaha ciidamada cirka ee dalka Britain.

Horraantii usbuucan ayaa si lama filaan ah waxaa bamkan laga helay goob ku taala Jaamacadda Frankfurt oo uu dhisme ka socday.

Bishii la soo dhaafay ayaa lagu qasbanaaday in la daadgureeyo carruur yar yar oo dhinagayay iskuul kaddib markii macalin uu halkaa ku arkay labo bam oo aan wali qarxin.

Boolisku waxa uu sheegay in arday ka mid ah ardayda iskuulka ay bambooyinkaasi soo qaadeen oo ay iskuulka dhex keeneen.

65 kun oo qof ayey tahay qorshuhu in laga daad gureeyo gudaha Frunkfort ka hor inta aan bamkaasi la qaxrin.