Merkel iyo Shculz oo caawa fiidkii ay dhexmari doonto dood ku saabsan doorashada Jarmalka
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Merkel iyo Shculz oo caawa fiidkii ay dhexmari doonto dood ku saabsan doorashada Jarmalka

Waxaa caawa fiidkii lagu wadaa in Angela Merkel ay si toos ah dood ula geli doonto ninka doonayo inuu ka tuuro jagada Hogaamiyaha Jarmalka ee ay haatan hayso.

Ugu yaaraan 15 milyan oo qof oo u dhashay dalka Jarmalka ayaa la filayaa inay doodda si toos ah uga daawan doonaan taleefishinnada, taas oo dhexmari doonta Mrs Merkel iyo Martin Shculz xilli saddex todobaad un ay ka harsan tahay doorashada guud ee dalkaasi.

Haddaba maxay tahay ahmiyadda dooddan ay u leedahay doorashada?

Cabdulqaadir Maxamed Axmed waa aqoonyahan deggan waddanka Jarmalka arrintan ayuuna inoo falanqeeyay oo waxa uu u warramay Cabdifitaax Ibraahim Cagayare.