Maxaa Trump kala gudboon nukliyeerka Kuuriyada Waqooyi?

Maraykanka ayaa soo wada qorshe lagu ciqaabayo dawladaha ganacsiga la sameeya Kuuriyada Waqooyi Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Maraykanka ayaa soo wada qorshe lagu ciqaabayo dawladaha ganacsiga la sameeya Kuuriyada Waqooyi

Sidii layaabka lahayd ee Kuuriyada Waqooyi ay u tijaabisay nukliyeerkii lixaad ayaa mar kale soo cusboonaysiisay cabsida laga qabo xiisadda sii koraysa ee ka taagan Waqooyiga Bari ee Aasiya iyo macquulnimada in uu dagaal ka dhaco gacanka Kuuriya.

Tijaaabadii u dambaysay oo u dhiganta 6.3 cabirka dhulgariirka ah ayaa tilmaamaysa in ay isa sii badashay awoodda wax burburinta iyo Nukliyeerka Kuuriyada Waqooyi.

Shan ilaa lix jeer ayuu ka wayn yahay midkii u dambeeyay ee ay tijaabisay bishii Sabtembar ee sannadkii 2016kii. Waxaana macquul ah in uu 7 jeer ka wayn yahay bamkii nukliyeerka ahaa ee lagu riday Hiroshima.

Laakiin waa wakhti hore in la qiimeeyo awoodda ay Kuuriyada Waqooyi ka gaartay tijaabinta nukliyeerka.

Waqooyiga ayaa horay u sheegtay arrimo noocan oo kale ah balse ma jirto cid kale oo xaqiijisay arrintaas.

Maxay tahay sababta Kuuriyada Waqooyi ay u rabto hub Nukliyeer ah?

Isma badalin hadafka uu Waqooyigu ka leeyahay tijaabooyinkan. Rabitaanka Pyongyang ee ah in ay hub nukliyeer ah samaysatana wuxuu soo billawday sannadihii lixdameeyadii. Wuxuuna salka ku hayaa madaxbannaani, sharaf qaran iyo xoojinta milatarigeeda.

Dadka ka faalooda arrimahan ayaa ku kala qaybsan in horumarka ay ka samaysay gantaaladda qaaradaha isaga kala goosha in uu u suurtagalin karo in ay nukliyeer ku weeraraan Maraykanka.

Inkastoo uu Waqooyigu ku celceliyo gantaallo la tijaabiyo haddana waxaa yar suurtagalnimada in madaxweyne Maraykan ah uu weerar toos ah ku qaado dalkaas, marka laga soo tago in uu ka aarsado weerar kaga yimid Waqooyiga Kuuriya.

Tan iyo markii uu xilka la wareegay madaxweyne Kim Jong-un sannadkii 2011kii, dabcigiisu wuxuu tilmaamayaa in uu khatarta uga bareeri og yahay aabihii Kim Jong-il.

Waxaana arrintaasi tilmaamaya amarrada uu bixiyo ee ay ka mid yihiin dilalka arxandarrada ah ee lagula kaco qaraabadiisa iyo saraakiisha kale ee Kuuriyada Waqooyi, iyo waliba sida uu isugu taago madaxweynaha Maraykanka.

Lahaanshaha sawirka Reuters/KCNA
Image caption Warbaahinta dawladda ayaa soo bandhigtay sawirrada hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un oo indhaindhaynaya bam lagu sheegay nukliyeer

Siday tahay in uu Maraykanku uga jawaabo?

Arrinta ugu walwal badan ee degenaansho la'aanta gobolkaas la xiriirta ee Donald Trump haysata waa Kuuriyada Waqooyi.

Madaxweynaha Maraykankuna wuxuu sii wadaa in uu bidhaamiyo in uu qaadi doono weerar ka hortag ah oo ka dhan ah Kuuriyada Waqooyi.

Arrintaas oo masiibo ku noqonkarta dadka Japan iyo kuwa Kuuriyada Koonfureed, khaas ahaan 10 milyan ee ku nool magaalada Seoul.

Xaqiiqatanna jawaabta Maraykanku ka helo Kuuriyada waqooyi "waxay "qiyaamahooda ridi kartaa" labo dal oo ah xulafada ugu mihiimsan ee uu Maraykanku ku lee yahay gobolka, waxayna halis galin kartaa 28,500 qof ee isugu jira askarta Maraykanka iyo shaqsiyaad kale.

Waana taas sababta sahlaysa in la fahmo in wasiirka arrimaha dibadda Maraykanka James Mattis iyo lataliyaha ammaanka qaran H. R. McMaster in ay si wayn uga soo horjeedaan tallaabo milatari, marka laga soo tago xeelad difaac ahaan.

Hanjabaadda madaxweyne Trump-na waxaa laga ayaabaa in ay ka tahay in uu Pyongyang ku qaado in ay ka waantawdo daandaansi kale ama in uu Shiinaha ku xambaaro in uu saaro cunaqabataynno dhaqaale oo muhiim ah si cadaadisku ugu sii bato Kuuriyada Waqooyi. Waxyaabaha uu durba samayn karo waxaa ka mid ah xayiraad uu ka saaro shidaalka cayriin oo mihiim u ah.

Haddii ay ujeeddadu sidaas ahayd waxay u muuqataa in aysan shaqaynaynin.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Ciidammada Kuuriyada Koonfureed iyo kuwa Maraykanka oo daawanaya hub rasmi ah oo dhoolatus ahaan loo riday, arrintaasna waxay ka dhacday waqooyiga bari ee Seoul

Waqooyigu wuxuu tan iyo bishii Abriil kaydsanayay shidaa si uu uga gaashaanto haddii Shiinuhu uu ku soo rogo cunaqabataynno cusub.

Taas ayaana keenaysa in saamayn yar ay ku yeelan doonto cunaqabatayn cusub oo lagu soo rogo Kuuriyada Waaqooyi.

Haddii madaxweyne Trump uusan wax dhoohan iska dhigaynin, ama uusan ku dhaqmaynin wax aan macquul ahayn, ama uusan danaha Washington ku fushanaynin Seoul, markaas jawaabtu ay u badan tahay in laga bixiyo waxay noqonaysaa in cunaqabataynno dheeri ah la sii saaro Waqooyiga.

Wasiirka maaliyadda Maraykanka Steven Mnuchin ayaana hadda ka shaqaynaya qorshe cusub oo suuqyada Maraykanka loogu diidayo dal kaste oo saddexaad oo xiriir ganacsi la leh Waqooyiga Kuuriya.

Taas ayaana dhalin karta daandaansi intaas la eg oo Waqooyiga Kuuriya ka yimaadda, taas ayaana keeni karta halis ah in uusan shaqaynin oo waxba laga dheefi waayo.

Image caption Khariidad muujinaysa masaafada ay socon karaan gantaallada Kuuriyada Waqooyi