Trump oo meesha ka saaraya sharci u daneeya da'yarta soogalootiga ah

Dad badan oo ka faa'iidaysanayay barnaamijka Daca ayaa wadooyinka isugu soo baxay Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Dad badan oo ka faa'iidaysanayay barnaamijka Daca ayaa wadooyinka isugu soo baxay

Madaxweynaga Maraykanka Donald Trump ayaa go'aansaday in uu meesha ka saaro barnaamijka difaaca da'yarta soo galootiga ah, sida ay wararku sheegayaan.

Aqalka Congress-ka ayuu lix bilood siin doonaa si ay u keenaan sharci lagu badalo midka hadda loo soo gaabiyo Daca, sida ay sheegtay warbaahinta Maraykanka oo ilo soo xiganaysa.

Ga'aankan oo markii u horraysay ay ku warrantay Politico ayaa loo arkaa in uu yahay mid meel dhexaad la isugu imaanayo iyadoo ay jiraan dad badan oo taageersan.

Si kastaba ha ahaatee ilo ayaa ka digay in Trump uu badalikaro aragtidiisa.

Talaadada ayaa lagu wadaa in uu si buuxda u shaaciyo go'aankiisa.

Barnaamijka loo yaqaanno Daca ayaa boqolaal kun oo da'yar ah ka badbaadiya in la masaafuriyo wuxuuna u ogolaadaa ruqsado shaqo iyo kuwo wax barasho.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Trump ayaa horay u sheegay in uu "jecel yahay" dhallinyarada soo galootiga ah ee Dreamers loo yaqaanno

Sida uu ku warramayo Politico, Aqalka cad ee looga arrimiyo Maraykanka ayaa Afhayeenka Aqalka wakiillada Paul Ryan u sheegay go'aanka madaxweynaha subixii Axadda.

Ryan ayaa toddobaadkii hore ku baaqay in madaxweynuhu uusan meesha ka saarin qorshahaas, isaga oo ku dooday in ay hawluhu ku cakirmi doonaan dhallinyaro badan.

"Carruurtan waa kuwo aan aqoonin dal kale, kuwaas oo waalidkood ay keeneen guri kalana aan aqoonin". Ayuu yiri.