Brundi oo lagu eedeeyay xadgudub bini`aadannimo

Burundi Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Qalalaasaha ayaa bilowday sanadkii 2015 kaddib markii madaxweyne Nkurunziza uu go`aansaday inuu mar saddexaad xilka u tartamo

Baarayaasha Qaramada Midoobay ayaa sheegaya inay hayaan caddeymo xooggan oo ku saabsan in dembiyo ka dhan ah bini`aadannimada laga geystay dalka Burundi.

Warbixintooda ayay ku xuseen dilalka, jirdilka iyo kufsiga, oo ay sheegeen inay badankood geysteen xoogagga dowladda - balse iyo sidoo kale kooxaha mucaaradka.

Safiirka Qaramada Midoobay ee Burundi ayaa sheegay in warbixinti ay qayb ka ahayd qorshe caalami ah oo ka dhan ah dalkaasi.

Qalalaaso ayaa ka bilowday Burundi sanadkii 2015 kaddib markii madaxweyne Pierre Nkurunziza uu go`aansaday inuu tartamo mar saddexaad.

Wixii xilligaa ka dambeeyay, in ka badan 400,000 oo qof ayaa lagu qasbay inay guryahooda ka qaxaan.

Nkurunziza ayaa dib loogu doortay bishii July 2015 codbixin ay mucaaradku qaaddaceen.

Warbixinta, ayay baarayaashu ugu baaqeen Maxkamadda Caalamiga ah ee Qaadda Dembiyada (ICC) inay si deg deg ah u furto kiiska.

Burundi ayaase sanadkii hore sheegtay inay ka baxayso ICC, tallaabadan ayaa lagu wadaa inay dhaqan-gasho bisha October.