Doorashada madaxtinnimo ee Hirshabeelle oo dhowaan qabsoomi doonta
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Doorashada madaxtinnimo ee Hirshabelle oo dhowaan qabsoomi doonta

Waxaa magaalada Jowhar ka socda qabanqaabada doorashada madaxtinnimada ee maamulka Hirshabeelle. Iyadoo dhowaan baarlamaanka maamul goboleedkaasi uu xilka ka qaaday madaxweynihii mamulkaas Cali Cabdullahi Cosoble oo aan weli si rasmi ah u oggolaan xil ka qaadistaas.

Haddaba sidee guddiga doorashada Hirshabeelle ay ugu diyaar garoobeen qabashada doorashadaas?

Guddoomiyaha guddiga doorashada xildhibaan Maxamuud xuseen Yuusuf ayaanu qadka taleefoonka kula xiriirnay, Axmed Badar ayaana ugu horreyn weydiiyay halka ay howshu marayso.