Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka hadlay shaqo abuurka kun dhalinyaro ah
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka hadlay shaqo abuurka kun dhalinyaro ah

Guddoomiyaha gobolka Banaadir , ahna duqa magaalada Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed ayaa ka hadlay carwo shaqo abuur ah oo maanta laga furay magaalada Muqdisho, taas oo la doonayo in lagu soo xulo illaa dhalinyaro ah oo shaqooyin cusub loo abuurayo.

Guddoomiyaha ayaa BBC-da u sheegay in la fulinayo balanqaadkii Ra'isulwasaare Xasan Cali Kheyre ee ahaa in dhalinyarada shaqo loo abuuri doono.

Qarashka ayaa waxa bixinaya bangiga adduunka, qofkiina waxaa mushaar ahaan loo siin doonaa $150 doolar sida uu sheegay guddoomiyaha.