'Beeralay reer Somaliland oo si degdeg ah loo kaalmaynayo'
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

'Beeralay reer Somaliland oo si degdeg ah loo kaalmaynayo'

Guddiga ka soo kabashada abaarta Somaliland ayaa ku dhawaaqay in sagaal kun oo beerood ay si degdeg kaalmo u siinayaan si beeralleydu ay dib ugu laabtaan qodoshada beeraha.

Hadalka guddigan ayaa iminaya xilli saddexdii todobaad ee ugu danbeeyay uu roob lagu diirsaday ka da'yay deegaanno badan oo ka tirsan Somaliland.

Wasiirka Beeraha Somaliland, Dr; Maxamed Aw Daahir oo ka mid ah guddiga ka soo kabashada abaarta ayaa shaaca ka qaaday in sagaalka kun ee beerood ee ku kala yaalla 135 meelood la fali doono laguna abuuri doono saracii lagu beeri jiray.

Wasiirku wuxuu u waramay weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed saciid Cige.