Tony Blair oo difaacay baaqii xakameynta muhaajiriinta Yurub

Blair Lahaanshaha sawirka Getty Images

Tony Blair ayaa difaacay baaqiisii ahaa in xamakeyn cusub lagu soo rogo soo galootiga Midowga Yurub, iyadoo mid ka mid ah wasiirrada uu ku eedeeyay Blair inuu la soo daahay ka hadalka arrintan.

Raysal wasaarihii hore ee Ingiriiska ayaa sheegay in UK ay ku sii jiri karto Midowga Yurub inkastoo tallaabooyin xaddidaad ah lagu soo rogay.

Cambaareyn ayaa loo jeediyay go`aanka dowladdiisii ee ku aaddanaa inaysan meel marin xakameynta ku meel gaarka ah ee soo galootiga koofurta Yurub sanadkii 2004.

Xoghayaha arriimaha difaaca dalkaasi Sir Michael Fallon ayaa BBC-da u sheegay in Blair uu la soo daahay hadalkiisa.

Raysal wasaarihii hore, oo ka mid ah dadka ugu caansan ee u ololeynaya inaan Midowga Yurub laga bixin, ayaa sheegay inay jiraan siyaabo lagu xakameyn karo soo galootiga iyadoo aan laga bixin Midowga Yurub.