Xisbiga mucaaradka Cambodia oo aan ka qaybgeli doonin codka xasaanadda looga qaadayo hoggaamiyahooda

Cambodia Lahaanshaha sawirka AFP/GETTY IMAGES
Image caption Kem Sokha (bidix) ayay booliisku xireen Axaddii la soo dhaafay

Xisbiga mucaaradka ugu weyn dalka Cambodia ayaa sheegaya inaysan ka qayb gali doonin codeynta baarlamaanka ee la qorsheeyay inay berri dhacdo, taas oo lagu doonayo in hogaamiyaha xisbiga looga qaado xasaanadda.

Taas beddelkeeda, taageerayaasha Kem Sokha, ayaa dibadbax ku qaban doona bannaanka xabsiga uu ku xiran yahay iyagoo dalban doona in la sii daayo.

Sokha ayaa lagu eedeeyay khiyaamo, isagoo madxaweynaha muddada dheer dalkaais ka taliya uu ku eedeeyay in Mareykanka uu kala shaqeynayay sidii dowladdiisa loo ridi lahaa.

Xisbiga Sokha ayaa la filayay inuu guulo ka soo hooyo doorashada dalkaasi ka qabsoomi doonta sanadka soo socda, sababo la xiriira isagoo doonaya inuu wax ka qabto musuqmaasuqa ka jira dalkaasi. Balse haddii ay dowladda xukunto ninkaasi, waxay dowladdu awoodi doontaa inay kala dirto xisbigaasi siyaasadeed.