UK: Xildhibaanad sheegtay in baraha bulshada ay qeyb weyn ka qaataan dembiyada

Knife crimes

Mid ka mid ah xildhibaannada xisbiga shaqaalaha ee dalka Ingiriiska ayaa sheegeysa in baraha bulshada "ay hurinayaan qalalaasaha ka dhex taagan dhalinyarada".

Sarah Jones ayaa sheegtay inay dooneyso in waxyaabaha la soo dhigo baraha bulshada ee kicinaya dembiyada weerarrada toorreyda ay wasiirradu u aqoonsadaan sida waxyaabaha dhiirrigelinaya xagjirnimada.

Xildhibaanadda deegaanka Croydon Central ayaa carrabka ku dhufatay baraha bulshada sida YouTube, Snapchat iyo Instagram.

Waxay sheegtay in dagaalka u dhaxeeya kooxaha mucaaradka iyo burcadda ay hadda online-ka ka arki karaan kumannaan qof.

Lahaanshaha sawirka UK PARLIAMENT

Waxay sidoo kale cambaareysay goobaha waxbarashada in ardayda dhibka wada ay ka eryaan goobahooda iyadoo sheegtay in xiriir toos ah uu ka dhaxeeya buracadda iyo waaxaha ardayda la soo beddelo.

Waxaa kordhayay weerarrada toorreyda la isu adeegsado ee UK ka dhaca.

Shan iyo toban dhalinyaro ayaa ku dhintay weerarro ka dhacay London sanadkan.

Waxay xildhibaanaddu ku baaqday in wax laga qabto baraha bulshada iyo iskuullada, tan oo qayb ka noqoneysa hannaanka 10ka sano ee wax looga qabanayo dembiyada toorreyda ee ka dhex dhaca waaxaha dowladda.

Waxay sidoo kale sheegtay in loo baahan yahay lacag badan oo lagu maalgeliyo qorshe dejinta iyo adeegyada kale ee bulshada, iyadoo sidoo kale soo jeedisay in dembiyada toorreyda iyo qalalaasaha dhalinyarada loola macaamilo sida arrimaha caafimaadka bulshada.