Qaxa Muslimiinta Rohingya oo dhaawacay sumacadda Aung San Suu Kyi
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Qaxa Muslimiinta Rohingya oo dhaawacay sumcadda Aung San Suu Kyi

Waxaa soconaya baaq caalami ah oo lagu doonayo in hoggaamiyaha dalka Myanmar, Aung San Suu Kyi, lagala noqdo abaalmarinta nabadda ee Nobel, iyadoo milatariga dalkeeda uu weerarayay muslimiinta qowmiyadda laga tirada badan yahay ee Rohingyas ee gobolka Rakhine.

Aung San Suu Kyi waxa ay beenisay in dalka Myanmar ay ka socoto isir sifeyn ka dhan ah dadka qowmiyadda Rohingya, waxayna sheegeysaa in rabshaduhu ay wadaan dhinacyada ay arrinta khuseyso.

Muuqaalkan ayaa eegaya taariikhda haweeneydan caanka ah oo horey u soo dagaalantay xaquuqul insaanka balse hadda ay go’doomiyeen taageerayaasheeda caalamiga ah.