Weerar ay askar ku dhimatay oo ka dhacay Balcad

al-shabaab Lahaanshaha sawirka AFP

Ugu yaraan labo askari ay ku dhimatay mid kalena waa uu ku dhaawacmay weerar ka dhacay meel u dhaw tuulada Gololey oo qiyaastii 7 KM woqooyi uga beegan degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Askartan ayaa markii uu weerarka dhacayay waxa ay saarnaayeen gaari nooca Soomaalidu u taqaano Cabdi bilaha oo markii dambe halkaa lagu gubay.

Sida ay BBC-da u sheegeen dadka deegaanka, raggii weerarka soo qaaday oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa sida la sheegay dab qabadsiiyay gaarigaasi kaddib markii ay u suurtageli weyday in ay ka xaystaan.

Dhinaca kale, rag hubeysan ayaa deegaanka Garas Mooshe oo qiyaastii 13 KM woqooyi galbeed kaga beegan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ka qafaashay shaqaale kuwa samafalka ah oo u shaqeynayay hay'ad maxali ah oo lagu magacaabo Gredo.

Tirada shaqaalahan la qafaashay ayaa lagu sheegay toddobo qof oo midkood uu ahaa darawal.

Illaa hadda ma cadda cidda afduubka shaqaalahan ka danbeysay.