Mucaaradka Kenya oo qaadacay khudbadda uu madaxweynaha u jeedinayo baarlamaanka
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Mucaaradka Kenya oo qaadacay khudbadda uu madaxweynaha u jeedinayo baarlamaanka

Waxaa lagu wadaa in maanta galinka danbe uu Madaxwaynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, khudbad u jeediyo xildhibaannada labada gole ee dalka, kuwaas oo yeelanaya kulankoodii ugu horreyay tan iyo markii la soo doortay bishii la soo dhaafay.

Haddaba arrintan ayaa waxaa gaashaanka u daruuray Isbahaysiga mucaaradka ee NASA, kaas oo sheegay in xildhibaannadiisa aanay ka qeybgalayn kulankaasi, waxa ayna ku tilmaameen mid sharciga hareer marsan, maadaama la laalay natiijada doorashadii madaxtinimada ee dalka.

Haddaba xildhibaannada mucaaradka ee kulanka maanta qaadacay waxaa ka mid ah Xildhibaan Maxamed Junnet oo ka tirsan NASA, oo u warramay Axmed Badar oo marka hore waydiiyay sababta ay u qaadacayaan kalfadhiga?