Jaamacadda Camuud oo labaatan jirstay iyo baahida loo qabo tayeynta Jaamacadaha
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Jaamacadda Cammuud oo labaatan jirstay iyo baahida loo qabo tayeynta Jaamacadaha

Jaamacadda Cammuud ee Boorama oo todobaadkan u dabaaldegeysay sanadguuradii 20aad ee ka soo wareegatay markii la asaasay ayaa maamulka sare ee Jaamacaddaasi waxa uu sheegay inay xoogga saareen sidii ay u soo saari lahaayeen macallimiin, dhakhaatiir, iyo aqoonyahaano cilmiga beeraha ah.

Jaamacaddan oo ah tii ugu horeysay ee laga furo Somaliland, sanadku markii uu ahaa 1997-kii, ayaa gudoomiyaha jaamacaddaasi Professor Saleemaan Axmed Guuleed, waxa uu sheegay in baahin weyn haatan loo qabo tayeynta Jaamacadaha Soomaalida guud ahaan.

Haddaba Professor Saleemaan Axmed Guuleed, ayaa Hargeysa waxa uu ugu warramay weriyahayaga Axmed Saciid Cige.