Abdi Iftin ' Riyadeydii Mareykanka noqon weysay sidaan filayay'
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Abdi Iftin 'Riyadeydii Mareykanka noqon weysay sidaan filayay'

Wiil da'yar oo Soomaali ah ayaa la daalaa dhacaya nolosha dalkii uu muddo ku riyoon jiray inuu ku noolaado, waa Mareykanka ee.

Waxa uu nasiib u yeeshay inuu ku noolaado gobol ay dadka caddaanka ah u badan yihiin, oo waxaa ka hor yimid caqabado uusan weligii ku fekarin, xaaladduse waxa ay sii murugtay markii Donald Trump uu siyaasadda ku soo biiray.

Cabdi Nuur Iftiin ayaa bishii Diseembar ee 2014-kii waxa uu ku guulaystay inuu Mareykanka ku galo qori tuurka dalkaas lagu aado.

Tan iyo xilligaasna waxa uu isku dayay inuu nolol cusub ka sameysto dalka oo uu Ameerikaan dhab ah noqdo.

Waxa uu rajaynayay inuu waxbarto oo uu xirfad halkaa ka bilaabo, hasayeeshee cadaadis dhinacyo badan kaga imanayay ayaa middaas ka hor istaagay.

Haddaba warbixintan ay BBC-da ka diyaarisay Cabdi Nuur Iftiin waxaa inala socodsiinaya Ciise Xaaji Cabdulle.