Chelsea oo lix la dulmartay kooxda Qarabag

Chelsea ayaa u xoog sheegatay Qarabag Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Chelsea ayaa u xoog sheegatay Qarabag

Davide Zappacosta ayaa dhaliyay gool qurux badan, Michy Batshuayi labo jeer ayuu goosha ku hubsaday shabaqa iydoo Chelsea ay mar kale goolashii ugu badnaa ee ay Horyaallada Yurub ka dhaliso la dul martay kooxda Qarabag oo tartankan u hor leeyahay.

Kooxda Chelsea ayaa koobkan ku soo laabatay ka dib markii ay sannadkii hore ku guuldaraysatay in ay u soo baxdo.

Chelsea ayaa nasisay qaar ka mid ah ciyaaryahannadeeda ay ku billawdo markii ay booqdeen kooxdan difaacanaysa Horyaalka Azerbaijan, sidaa oo ay tahayna si dhib yar ayay uga badiyeen.

Pedro ayaa goosha koobaad ka dhaliyay meel 20 yaardi u jirta goosha, afar gool oo kale ayayna sii dhashatay, waxaa isna kooxdiisa ku khaldamay oo gool ka dhaliyay Medvedev.

Ciyaartan ayaa mar kaste loo arkayay in u sahlanaan doonto maada oo horinta C ay ku wada jiraan Roma iyo Atletico Madrid.

Labadaas kooxood ee kalana 0-0 ayay isla mari waayeen ciyaar ay ku yeesheen garoonka Roma ee Olympic Stadium.