Haweenka Soomaaliyeed oo aad uga dhex muuqda bandhiga buugaagta ee Muqdisho
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Haweenka Soomaalida oo aad uga dhex muuqda bandhigga buugaagta ee Muqdisho

Waxaa maalintii labaad galay bandhigga buugaagta ee magaalada Muqdisho, kaas oo la sheegay in lagu doonayo in lagu kobciyo qoraalka iyo akhrinta Afka Soomaaliga.

Bandhiggan oo galay sanadkiisii saddexaad ayaa waxaa uu sanadkan soo jiitay in ka badan 3 kun oo buug oo laga qoray dhammaan qeybaha nolosha.

Buugaagta halkaas lagu soo bandhigayana waxaa aad uga dhex muuqda kuwo ay qoreen haween Soomaaliyeed.

Haddaba waxaa goobta uu bandhiggaasi ka socdo tegay oo warbixin inooga soo diray weriyahayaga magaalada Muqdisho, Cali Nuur Salaad.