Booliiska Maraykankanku "way ka gardarnaayeen kalkaalisada ay xireen"

Isbitaalka ay kalkaalisadu u shaqaynaysay waxay sheegeen in ay nidaamkii saxda ahaa ku taagnayd Alex Wubbels marka la xiray Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Isbitaalka ay kalkaalisadu u shaqaynaysay waxay sheegeen in ay nidaamkii saxda ahaa ku taagnayd Alex Wubbels marka la xiray

Labo ka mid ah booliiska Maraykanka oo qasab ku xiray kalkaaliso caafimaad oo diiday in ay dhiig ka qaado bukaan miyir daboolan ayaa la sheegay in ay meel uga dhaceen anshixii booliiska, sida lagu qoray warbixin la soo saaray.

Baaritaan gudaha ah oo lagu samaynayo qaabdhaqanka askarta ka tirsan booliiska magaalada Salt Lake City ayaa ka baaraan dagaya macquulnimada in ay si aan haboonayn u dhaqmeen oo ay meel uga dhaceen anshaxa booliiska.

Arrinta lagu xiray Alex Wubbels oo ah gabadh kalkaaliso ah waxaaa duubay kaameerada ku rakiban jirka booliiska.

Isbitaalka ay u shaqayso ayaa sheegay in ay dariiqii saxda ahaa ku taagnayd marka la xiray.

Kaameerada ku xiran jirka Jeff Payne ayaa laga arkay isaga oo qabanaya ka dibna gacmaha ka xiraya Wubbels, ka dib markii ay booliiska u sheegtay in aysan nidaamka waafaqsanayn in bukaanka ka qaado dhiiga ay ka dalbadeen.

Wubbels ayaa ku dhawaaqday "dambi ma galabsanin" iyada oo markaas la sii jiidayo.

Payne ayaa la maqlay isaga oo sheegaya in uu isbitaalka ka aarsan doono.

Duqa magaalada Salt Lake City, Jackie Biskupski ayaa sheegtay "in aan la aqbali karin" xiritaanka Wubbel.

Muuqaalkan waxaa la duubay 26 Luulyo, laakiin toddobaadyo ka dib ayaa la arkay.