Heshiiska Ganacsiga Hubka fudud malaga gaaray ujeedkii laga lahaa?
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Heshiiska Ganacsiga Hubka fudud malaga gaaray ujeedkii laga lahaa?

Wakiillo ka kala socda in ka badan 130 dal oo caalamka ku yaal oo qeyb ka ahaa Heshiiskii Ganacsiga Hubka ayaa waxa ay ka qeyb galayaan shirkii saddexaad ee sanadlaha ahaa.

Heshiiskan oo ay dalal badan isla qaateen ayaa waxa uu qaabeeyaa ganacsiga hubka caalamka kaas oo sanadkiiba la qiyaaso inuu ku kaco ku dhawaad 100-ka bilyan oo doolar, waxaana markii ugu horraysay la dhaqangeliyay 24-kii bishii Diseembar ee 2014-kii, markaas oo ay saxiixeen 92 dal.

Haddaba ujeedooyinka loo sameeyay heshiiskan ma laga guul gaaray? Su'aashaas iyo kuwa kale ayaannu waydiinnay, Garyaqaan Zakariye Yuusuf, oo ka tirsan Hay'adda ka faaloota xasaradaha caalamka ee ICG, waxa uu u warramay Cabdifitaax Ibraahim Cagayare oo marka hore waydiiyay waxa keenay in nidaam loo sameeyo ka ganacsiga hubka fudud?