Ganacsade Suuriya kasoo qaxay oo Turkiga ka sameystay warshad kabaha soo saarta
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Ganacsade Suuriya kasoo qaxay oo Turkiga ka sameystay warshad kabaha soo saarta

Lixdii sano ee uu socday dagaalka ka aloosan waddanka Suuriya ayaa in ka badan 5 milyan oo qof waxa ay isaga qaxeen dalkaasi, iyadoo ku dhawaad labalaab tiradaasina ay gudaha ku barakaceen.

Mudadaasi tobannaan kun oo qof ayaa dhintay iyagoo isku dayaya inay Yurub galaan, dadkaas oo badanaa raacayay doonyo macmal ah oo ay u keeneen dadka dadka tahriibiya.

Kuwa kale oo badan ayaa waxa ay ku nool yihiin nolol la hilmaamay oo waxa ay ku jiraan xeryo qaxooti oo la buuxdhaafiyay dhaqaale yarina ay ka taagan tahay ama meelo kale ayey ku dayacan yihiin.

Hasayeeshee qaarbuu nasiibku saaciday, sida Maxamed Qaanim, oo ka mid ah 3 milyan oo qaxooti Suuriyiin ah oo degay waddanka Turkiga, kaddib markii uu afar sano ka hor ka soo cararay magaalada Xalab, ganacsi weynna uu Turkiga ka sameystay.

Haddaba weriyaha BBC-da, Mike Thomson, ayaa la kulmay ninkaasi oo waxa uu ka diyaariyay warbixintan ay soo jeedinayso Suheyba Maxamed Badqas.