Dowlada Itoobiya oo baaraysa isku dhacyadii dhexmaray Oromada iyo Soomaalida

Barakac ayaa ka dhashay isku dhacyda Lahaanshaha sawirka .
Image caption Barakac ayaa ka dhashay isku dhacyda

Dowlada Itoobiya ayaa sheegtay in baarayaal xuquuqda aadanaha ah ay dirtay si ay qiimayn ugu soo sameeyaan gabood falada la sheegay in ay dhaceen ka dib markii uu isku dhac dhexmaray dhinacyo iska soo horjeed.

Isku dhacyada ayaa ka dhacay xuduuda u dhaxaysa gobolka ismaamulka Oromada iyo degaanka ismaamulka Soomalida Itoobiya.

Isku dhacyadani ugu danbeeyay ayaa waxa ku dhintay ugu yaraan 18 qof waxaana ku barakacay 30,000 oo qof.

Gobolada Oromia iyo Somalida ayaa ah labada gobo ee ugu wayn dalka Itoobiya.

Xiriirka u dhaxeeya labada gobol ayaa loo arkaa in ay haraysay arrinta loolan dhanka dhulka taasi oo horseeday muran iyo gacan ka hadal.

Muranka ayaa inta badan la xiriira khayradka sida biyaha iyo dhul daaqsimeedka.