Xamaas oo diyaar u ah inay qabato doorasho toban sano kaddib

Hamas Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Hamas ayaa ammaantay dadaalka Masar

Kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas ayaa sheegaya inay diyaar u yihiin kala diridda guddiga xukuma Gaza ayna qabtaan doorasho guud markii ugu horreysay sanadkii 2006-dii.

Waxaa sidoo kale la sheegay inay qorsheynayaan inay wada-hadallo kale la yeeshaan ururka ay iska soo horjeedaan ee Fatax, si ay u soo afjaraan khilaaf muddo soo jiitamayay oo u dhexeeyay labada koox,

Wakiillada labada koox ayaa magaalada Qaahira kula kulmayay saraakiil sarsare oo Masaari ah.

Fatax ayaa soo dhoweysay warka Hamas iyadoo Masar uga mahad celisay dadaalkeeda.

Azzam al-Ahmad, oo ah madaxa wafdiga Fatah ee Masar ayaa sheegay in tallaabadan ay xoojineyso midnimada siyaasadda Falatsiiniyiinta, ayna meesha ka saareyso kala qeybsanaantii sababtay dhibaatada ay Falastiiniyiinta ku jiraan siduu sheegay.

Kaddib isku dhacii uu dhiigga ku daatay sanadkii 2007-dii, Fatah ayaa laga saaray Gacanka Gaza.

Isku dyao ay labada koox ku doonayeen inay dowlad mideysan uga dhisaan Gaza iyo Daanta Galbeed ayaa guul darreystay.

Hamas ayaa ku guuleysatay doorashadii sanadkii 2006 kaddib isku dhacyadii 2007-dii, madaxweyne Mahmoud Abbas ayaa eryay raysal wasaarihii Hamas. Kooxda ayaa kaddib sii heysay xukunka Gaza, halka Fatah ay xukunto qaybo ka tirsan Daanta Galbeed ee aan ka tirsaneyn dhulka ay Israa`iil ka taliso.