Madaxweynaha Nigeria oo mar kale ka tegay dalka

Nigeria

Madaxweynaha dalka Nigeria Muhammadu Buhari ayaa dalka ka tagay si uu uga mid noqdo hoggaamiyeyaasha kale ee caalamka ee ka qeyb qaadanaya kulanka guud ee 72-aad ee Qaramada Midoobay oo ka dhacaya magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Wuxuu caasimadda ka ambabaxay goor sii horreysay, wuxuu sidoo kale madaxweyne Buhari sii mari doonaa magaalada London kaddib markii uu shirkaasi u soo gabagaboobo, sida uu xaqiijiyay afhayenkiisa Femi Adesina.

Sanadkan, madaxweynaha waxaa shan bilood lagu dabiibayay London, iyadoo aan la shaacinnin cudurkii hayay, hase yeeshee imika lama sheegin waxa uu Buhari ka qaban doono London inta uu joogo balse waxaa la sheegay oo keli ah in uu soo mari doono halkaasi.

Inta uu ku sugan yahay shirka waxaa la filayaa in uu ka hadlo xasardda cusub ee dalkaasi ka jirta, ee ay ka midka yihiin dhaqdhaqaaaqa goonni-u-goosadka ah ee ku sugan koofur-bari dalkaasi, Boko Xaraam iyo arrimaha dhaqaalaha dalkaasi.