Ruushka oo beeniyay inuu duqeeyay mucaaradka Siiriya

Siiriya Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Diyaaradaha Ruushka ayaa taageeraya dagaalka ay dowladda Siiriya ka waddo gobolka Deir al-Zour

Wasaaradda difaaca Ruushka ayaa dafirtay eedeymaha loo haysto ee ah in diyaaradaheeda ay Sabtidii duqeeyeen dagaal yahannada uu Mareykanku taageerayo ee ku sugan Siiriya.

Wasaaradda ayaa sheegtay in ciidamadeeda cirka ay keliya beegsadeen kooxda isku magacawday Dowladda Islaamiga ah.

Waxay ka jawaabeysay hadalkii SDF, oo ah isbahaysiga kooxo Kurdiyiin iyo Carab ah, oo ahaa in lix dagaal yahan lagu dhaawacay weerarro Ruushku uu ka geystay bariga Siiriya.

SDF ayaa ku sigaya magaalada Deir al-Zour, halkaa oo ciidamo dowladda taabacsan, oo xoogagga Ruushka ay taageerayaan ay isku dayayaan inay dib uga qabsadaan IS.

Sabtidii Xoogagga Dimuqraaddiga ee Siiriya ayaa sheegay in xilli hore maalintaas ay diyaaradaha dagaalka Ruushka ay duqeeyeen ciidammadooda.

Gobolka Deir al-Zour ayaa ah meeshii ugu dambeysay Siiriya ee ay ku xooggan yihiin kooxda IS. Ciidamada Siiriya iyo xulafadooda ayaa halkaasi dagaal ka wada iyagoo garab ka helaya diyaaradaha dagaalka ee Ruushka.