Britain oo sheegtay in khatartii argigixisadu hoos u dhacday

Booliska hubaysan ee Britain Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Booliska hubaysan ee Britain

Dowlada Britain ayaa hoos u dhigtey heerkii cabsida laga qabay weerarro argagixiso ah oo ka dhici kara wadanka kadib weerarkii jimcihii fashilmey ee tareenka nooca rakaabka ah ee ka shaqeeya magaalada london dhexdeeda lagu qaadey.

Tan ayey macnaheedu tahay in aanay ciidamada nabadsugida ay aamisan yihiin in aan khatar weerar iminka jirin.

Laba nin oo looga shaki qabo in ay weerarkan oo 30 qof ku dhaawacantay ay ka danbeeyeen ayaa la xidhey, booliiska ayaa addeegsanaya ey si gaar ah loogu carbiyey howlahan , waxaanay baarayaan guri ku yaala London duleedkeeda.

Image caption Guriga ay boolisku baarayaan oo ku yaala London duleedkeeda

Af-hayeen u hadashay booliiska ayaa sheegtey in baaritaankan uu booliiska u sahlay fursad ay wax badan kaga ogaadaan sida qaraxan loo diyaariyey.

Xoghayaha arrimaha gudaha ee Britain Amber Rudd ayaa iyaduna sheegtey in guulo laga gaadhey baadhitaanka.