Carruurta Sri Lanka oo si sharcidarro ah looga ganacsaday

Haweenay reer Sri Lanka ah oo haysa ilmo yar oo la duuduubay Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Haweenay reer Sri Lanka ah oo haysa ilmo yar oo la duuduubay

Xukuumadda Sri Lanka ayaa qiratay warbixin ay diyaarisay Netherlands oo sheegaysa in kumannaan carruur ah oo dalkaas ku dhalatay si sharci darro ah loo gaday iyadoo korsasho ahaan dibadaha loola aaday 1980-yadii.

Ilaa 11,000 oo carruur ah ayaa laga gaday qoysas reer Yurub ah, iyadoo labada dhinacba la siiyay dokumantiyo khalad ah.

Qaarkood ayaa la sheegay in ay ku dhasheen meelo lagu dhalo carruurta oo reer Yurub lagaga iibiyo.

Wasiirka caafimaadka ee Sri Lanka ayaa barnaamijka Zembla ee Netherlands ka baxa u sheegay xarun DNA oo carruurta ka caawisa in ay helaan hooyooyinkii dhalay.

Image caption Kooxdan Facebook ka hawlgasha ayaa boqolaal xubnood ka kooban carruurta iyo hooyooyinkood ayayna isla radiyaan

Ilaa 4,000 oo carruur ah ayaa loo malaynayaa in ay gacanta u galeen qoysas reer Netherlands ah, iyadoo kuwo kalana ay ku dambeeyay dalal Yurub ku yaalla oo ay ka mid yihiin Sweden, Denmark, Germany iyo UK.

Rowan van Veelen oo carruurta la korsaday ka mid ah ayaa BBC-da u sheegay in uu dib ugu laabtay Siri Lanka si uu isugu dayo in uu hooyadii soo helo 27 sano ka dib.

Wuxuu qayb ka yahay shabakad Facebook oo fadhigeedu yahay Netherlands kuwaas oo isku daya in ay carruurta Sri Lankan u raadiyaan hooyooyinkii dhalay.

Image caption Hooyo canugeeda raadinaysa oo macluumaadkeeda la sawirayo si Facebook loo galiyo