Trump oo Afrika ku soo kordhiyay "dal cusub"

Madaxweyne Trump wuxuu sidoo kale madaxda Afrika kula kulmay shirkii GZ ee May Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Madaxweyne Trump wuxuu sidoo kale madaxda Afrika kula kulmay shirkii GZ ee May

"Heerka caafimaadka ee Nambia, wuxuu noqonayaa mid sare u kacaya oo dadka ku filan," ayuu yiri madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Hadalkaas wuxuu ka sheegay kullan uu madaxda Afrika kala qeybgalay oo Arbacadii lagu magaalada New York.

Wuxuu ka hadlay hormarka ay gaareen dalalka Afrika iyo sida ay u guuleysteen.

Balse ma jiro wadan lagu magacaabo "Nambia" oo Afrika ku yaalla.

Hadaba,suuragal ma tahay in madaxwaynaha Mareykanka uu ula jeeday Namibia, Zambia ama Gambia?

Dadka qaar ee baraha bulshada adeegsada ayaa si kala duwan uga hadlay "dalkaasi cusub". Qaar ayaa ku tilmaamay dal lagu mideeyay seddaxdaasi waddan.

Warar ku saabsan dalalka Namibia, Zambia iyo Gambia.


Madaxweynaha Namibia, Hage Geingob oo ka qeybgalay kullanka New York, weli ka muusan hadlin arrintaasi.

Sidoo kale Trump wuxuu Afrika ku tilmaamay "awood ganacsi oo aad u wayn". Dadka qaar ee baraha bulshada isticmaala ayaa si kala duwan uga hadlay arrintaasna.

"Waxaan leeyahay saaxiibo badan oo aadaya dalalkiina si ay taajiraan u noqdaan. Waa idiinkugu hambalyeynaayaa taas," ayuu yiri Trump.

"Waxaan matalayaa ganacsiyo waawayn oo kala duwan. Waxay Afrika noqoneysaa meel ay dad badan aadayaan, way doonayaan in ay Afrika tagaan," ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Dad badan ayaa u arko in arrin muhiim ah uu ka dhawaajiyay madaxweyne Trump marka uu ka hadlayo in "dad badan ay Afrika u yimaadaan si ay u taajiraan".

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan