Bilicda Muqdisho ma laga dhigi karaa sidii bari-samaadkii?

Taalada Axmed Gurey ee KM4 ku taala oo la qurxiyay
Image caption Taallada Axmed Gurey ee KM4 ku taala oo la qurxiyay

Magaalada Muqdisho oo kasoo kabanaysa sanado badan oo dagaalo sokeeye iyo bur ah ayaa waxaa ka soconaya dadaalo dib loogu dayactirayo qeybihii muhiimka ahaa ee magaalada, mana ahan mid shacab iyo dowladba ay u kala hareen.

Maamulka gobolka Banaadir iyo urur dhalinyaro oo lagu magacaabo Ubaxa Caasimadda ayaa hormuud ka ah hawlaha bilic soo celinta magaalada Muqdisho.

Taallooyinka

Magaalo kasta oo adduunka ka mid ah , gaar ahaan magaalooyinka waaweyn waxa ay leeyihiin astaamo lagu aqoonsado marka aad sawir ka aragto ama aad tagtidba, astaamahaasi qaarkood ayaa ah taallooyin ama dhismayaal kala duwan.

Taallooyinkan inta badan waa kuwa micno gaar ah ku fadhiya, inta badana waxa ay ka hadlayaan taariikh halyeynimo muujinaysa oo uu dalkaas soo maray.

Magaalada Muqdisho kama duwana magaalooyinkaas, waxayna lahaan jirtay taallooyin badan oo ku teedsan wadadda Makka Al Mukarama laga bilaabo Kiilo Mitir 4 illaa kiilo mitir 0.

Waxaa ka mid ah taalladii Axmed Gureey oo noolaa horraantii qarnigii 16aad, Soomaaliduna u oqoonatay halyeey qaran, waxaa loo taagay taallo weyn oo la dulsaaray muuqaal loo ekeeysiiyay isaga oo dul saaran faraskii uu ku dagaallamayay, balse hadda oo 27 sanadood ay ka soo wareegatay markii la bililiqeysatay waxaa gebi ahaanba badalmay magacii taallada oo hadda dadku waxa ay u yaqaannaan taallada number 4.

Image caption Dhismihii hore ee Baarlamaanka meel u dhow Daljirka Dahsoon oo uu dayactir ka socdo

Dhammaan taalooyinkii kale ee ay magaalada caanka ku ahayd sida tii Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, Xaawo Taako, SYL, Daljirka Daahsoon iyo Dhagaxtuur ayaa intuba burburay, waxaana hadda kaliya ka haray dhagixii taallooyinka asaaska u ahaa.

Jiilka hadda jooga oo qaarkood aanan xitaa arkin sida ay taallooyinka u ekaayee in ay sawir ka arkaan mooyee ayaa qaarkood fahamsan muhiimadda ay leeyihiin, waxaana ka mid ah gabadhan oo aragtideeda cabireysa "Faa'ido wey leedahay haddii dakii hore loo fiiriyo, maxaa yeelay waxa ay aheyd meel dhisay oo la fahan san yahay laakiin annaga waxa ay inoo tahay meel burbursan".

Dowladda Soomaaliya ayaa isku dayaysa in ay dib u dayactirto taallooyinkaas, inkasta oo ay waqti dheer qaadan doonto in sidii ay horey u ahaayeen dib loogu soo celiyo, balse sida uu BBCda u sheegay duqa magaalada Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed, waxaa socda qorshayaal dardar ku socda.

"Annaga waxaa naga go'an inaan Muqdisho ku soo celino Muqdishadii la yaqaanna, maalinba tallaabo ayaa la qaadaa, maanta waxaan qabannay wixii aan awoodnay, balse qorshaheenna wey ku jirtaa inaan halyeeyada dhamaan halkoodii lagu soo celiyo" ayuu yiri duqa Muqdisho oo sidoo kale ah guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Ubaxa Caasimadda

Lahaanshaha sawirka Ubaxa Caasimadda
Image caption Qaar ka mid ah dhalinyarada Muqdisho oo caalamado rinji ah marinaya waddooyinka Muqdisho

Dowladda oo kaliya ma ahan dadka kaliya ee ku hawlan dib usoo celinta bilicdii iyo astaamihii magaalada, waxaa jira urur dhalinyaro oo iskood isu xilqaamay oo lagu magacaabo Ubaxa Caasimadda, shaqooyinka ay qabtaan waxaa ka mid ah dhireynta magaalada iyo bilic soo celinteeda.

Maxamed Xuseen Lafoole waa guddoomiyaha Ubaxa Caasimadda, isaga oo BBC-da la hadlay ayaa waxa uu yiri "waxyaabaha aan qabano waxaa ugu weyn bilic soo celinta magaalada Muqdisho, inagoo inta baddan xoogga saarnay in aan magaalada ku samayno dhireyn, iyo sidoo kale rinjiyeyn, midabada madoowga iyo cadka oo ah astaan u ah meesha ay dadka dariiqa ka gooyaan".

Lahaanshaha sawirka Ubaxa Caasimadda
Image caption Maxamed Xuseen Lafoole guddoomiyaha ururka ubaxa caasimadda

Maxamed Lafoole waxa uu sheegay in hawlahan ay u qabanayaan si ay u muujiyaan kaalinta dhalinyarada ku yeelan karto dib u dhiska dalka, meeshana laga saaro fikirkii qaldanaa ee dhalinyarada laga qabay ee ahaa in dhibaatada dalka ay qayb ka yihiin.

Taallooyinka iyo astaamaha kale ee muujinaya bilicda caasimadda waxa ay xitaa kaalin ku leeyihiin fanka iyo suugaanta oo marka la tirinayo lagu xuso.

Lahaanshaha sawirka Ubaxa Caasimadda
Image caption Mid ka mid ah dhalinyarada Muqdisho oo geed ku talaalay waddooyinka caasimadda

Cabdiqaadir Nuur Xuseen Maax waa guddoomiyaha akaadimiyadda Cilmiga Fanka iyo Dhaqanka BBCda ayuu uga warramay waxyaabaha taallooyinka loo dhiso:

"In qofkii kaalin fiican ka soo qaata horumarka dalka lagu maamuuso, iyo in jiilka soo scoda ay ogaadaan dadkii u soo halgamay, akaadimiyaddu waxa ay ku dadaaleysaa inaan la baddalin astaamihii lagu yaqaannay".

Kaliya maaha waxa burburay taallooyinka ee waxaa Iyana la qaba xarumo dowladeed oo taariikhi ah, qaarkood ayay wali wax ka noolyihiin, halka qaarkood kale sida hoteelkii caanka ah ee Curubo uu gabi ahaanba dhulka ku darsamay oo wax ka taagan aysan jirin. Qaarka wali taagan oo aanan isticticmaal galin maadaamaa waqtigoodii dhamaaday ayaa waxaa la qorsheeyay in ay kamid noqdaan taariikhda dalka.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Sida ay dadka reer Muqdisho u arkaan qaadka la joojiyay
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Bandhiga shaqaaleynta Muqdisho iyo rajada dhalinyarada

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan