Buug ay Clinton qortay oo caaddaas maray

Hillary Clinton ayaa qortay buugga Maxaa Dhacay, wuxuuna noqday kii loogu gadashada badnaa Lahaanshaha sawirka AFP/ Getty Images
Image caption Hillary Clinton ayaa qortay buugga Maxaa Dhacay, wuxuuna noqday kii loogu gadashada badnaa

Tododobaadkii ugu horeeyay tan iyo intii lasoo daabacay buugga xusuusteeda ay uga hadlayso Hillary Clinton ayaa waxaa lagu soo waramayaa in uu noqday buuggii loogu gadashada badnaa.

Illaa 300,000 kun oo nuqul ayaa la sheegay in la iibsaday todobaadkii koowaadba, waana tiradii ugu badnayd oo xilligaas lagu iibsado buug aanan ahayn kuwa mala awaalka ah.

Buuggan oo lagu magacaabo Maxaa Dhacay ayay Clinton kaga hadlaysaa doorashadii madaxtinimo ee uu kaga guuleystay Donald Trump.

Waxaa la daabacay 12-kii sabtembar ee sanadkan, waxaana la sheegay in uu dusha u marayo liiska buugaagta loogu iibsiga badanyahay ee lagu soo daabacayo wargayska Sunday Times.

Carolyn Reidy oo ah agaasimaha guud ee shirkadda Simon & Schuster oo ah tan daabacday buugga ayaa tiri "Waxaa jira dalab xooggan iyo rabitaan ka imanaya akhristayaasha oo ah in ay ogaadaan aragtida Hillary Clinton ee ku saabsan doorashooyinkii taariikhiga ahaa ee dhacay 2016-kii, buugga Maxaa Dhaxay waxa uu haqabtirayaa baahidaasi".

Waa buuggii saddexaad oo ay Clinton qorto, 2003-dii waxa ay qortay buugga Living History ama Taariikhda Nool iyo 2014-kii oo ay qortay buugga Hard Choices ama Dooqa Qaraar.

Waxa ay ku kala saabsanyihiin xiligii uu ninkeeda Bill Clinton ahaa madaxweynaha Maraykanka iyo markii ay iyada ahayd xoghayaha arrimaha dibada ee Maraykanka.