Khilaafka Khaliijka iyo siduu u kala qaybiyay Soomaaliya

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Sawir Hore : Shirka madaxda waddamada gacanka carabta

Bishii Juunyo ee sannadkan waxaa dhacay wax aysan dad badan filanynin, taas oo ahayd in saddex dal oo ka mid ah dalalka ku bahoobay Khaliijka Carabta ee hodanka in ay xiriirkii dublamaasiyadeed u jaraan dalka Qadar.

Dalalka Sucuudiga, Imaaraatka Carabta iyo Baxrayn ayaa xiriirka diblamaasiyadeed u jaray dalka Qadar oo ka mid ah dalalka saliidda hodanka ku ah, waxayna ku eedeeyeen in Qadar ay taageerto kooxaha argagixisada.

Dowladda Federaalka

Lahaanshaha sawirka Yusuf Garad/ Facebook
Image caption Yuusuf Garaad Cumar, wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya

Go'aanka waxaa dhexdhexaadka ka noqotay dowladda Kuwait oo labada dhinac u kala dabqaadaysay, balse waxaa jiray dowladda badan oo Islaam iyo Carab isugu jira oo la saftay Sucuudiga, xiriirkana u jaray ama hoos u dhigay Qadar.

Waxaa ka mid ah Masar, Yemen, Jabuuti iyo kuwo kale oo badan, waxaana la filayay in Soomaaliyana dalalkaas ku biirto.

Balse taasi ma dhicin, golaha wasiirrada oo shir yeeshay 6dii Juunyo, 2017-kii ayaa go'aan ku gaaray in muranka Khaliijka ay dhexdhexaad ka yihiin, waxayna ku baaqeen in dalalka muransan la dhexdhexaadiyo.

Go'aankaas ma ahayn mid ay ku qanceen maamul goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka, oo iyaga badankood si iskood ah u sheegay in ay la safteen Sucuudiga, xiriirkana u jareen Qadar.

Saddex bilood kadib xaaladdii muranka khaliijka ayaan wali damin, gaar ahaan gudaha Soomaaliya oo hadba maamul goboleed hor leh uu go'aan ka qaadanayo uu kaga soo horjeedo kan dowladda dhexe.

Xukuumadda waxay ku qasbanaatay in ay dib u faagto kaydka galalkii dublamaasiyadda Soomaaliya ee soo taxnayd illaa 1960-kii iyo waliba dastuurka dalka awoodaha uu siinayo dowladda dhexe.

Si aysan ku jirin canaan iyo cambaarayn toona, kuna qotanta luuqad dublamaasiyadeed ayay golaha wasiirada sababeeyeen go'aanka dhexdhexaadnimada.

Marka koobaad, waxaa dowlad goboleedyada la xusuusiyay qodobka 54aad ee 'dastuurka KMG ah' oo dowladda dhexe siinaya awoodaha qayaxan ee ay go'aan kaga gaari karto arrimaha dibedda, difaaca, muwaadinnimada, socdaalka iyo siyaasadda lacagta.

Waxay ahayd fariin dadbadan oo maamul goboleedyada loogu sheegayo in aysan soo farogalin siyaasadda arrimaha dibedda.

Qodob kale ayay dowladda ku sababeysay go'aankeeda, waxayna sheegtay in dowladda Soomaaliya ay go'aan dhexdhexaadnimo ka qaadatay khilaafkii waddammada Carabta ay xiriirka ugu jareen dalka Masar kadib markii madaxweynihii dalkaasi Anwar Al Sadaat uu heshiis la saxiixday Israa'iil, islamarkaasna khudbad ka jeediyay baarlamaanka Israa'iil ee Knesset, muddo haatan 40 sano laga joogo.

Somaliland

Image caption Sacad Cali Shire, wasiirka arrimaha dibedda Somaliland

10-kii Bishii Juunyo ee 2017-ka, jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland ayaa ku dhawaaqday in ay la safantahay Sucuudiga iyo Imaaraatka, islamarkaasna xiriirka u jartay Qadar.

Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Sacad Cali Shire ayaa yiri "Somaliland iyada oo aaminsan mabaadii'da nabad ku wada noolaanshaha, iyo xasiloonida gobolka, kana soo horjeedda wax kasta oo wax u dhimmi kara nabadda iyo degenaanshaha, islamarkaasna kasoo horjeedda xagjirnimada iyo cid kasta oo taageerta, ayaa waxa ay taageertay moowqifka iyo aragtida ay ka qaateen Sucuudiga iyo Imaaraatka khilaafka siyaasiga ah ee u dhaxeeya iyaga iyo Qadar".

Intaas kuma uusan ekaane, go'aanada kale waxaa ka mid ahaa in Somaliland ay hawadeeda ka mamnuucday in ay isticmaalaan diyaaradaha Qadar, wuxuuna wasiirka ku nuuxnuuxsaday in dowladda Soomaaliya aysan bixin karin ogolaansho lagu marayo hawada.

Waxay ahayd arrin la fahmi karay maadaamaa laga war hayo xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya Somaliland iyo Imaaraatka oo la wareegay maamulka dekadda Berbera, islamarkaasna saldhig ciidan ka dhisanaya halkaas sida ku cad heshiis ay kala saxiixdeen.

Go'aanka mamnuucista hawada waxa uu ahaa mid aad u damqayay Qadar maadaama inta badan duulimaadyadii shirkadda diyaaradaha ee Qadar Airways laga mamnuucay hawada Sucuudiga iyo Imaaraatka loosoo wareejiyay hawada Soomaaliya. Balse dhaqangalka go'aanka Somaliland ee hawada ayay dad badan su'aal ka keeneen.

Puntland

Image caption Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Puntland

16-kii Agoosto, 2017 war qoraal ah oo kasoo baxay madaxtooyada maamul goboleedka Puntland ayaa lagu sheegay in maamulka uu xiriirka u jaray Qadar, islamarkaasna la saftay xulufada Sucuudiga iyo Imaaraatka.

Sababta ugu weyn ee loo cuskaday go'aankaas ayaa lagu sheegay in xiriir dhaqaale iyo mid iskaashi oo qoto dheer uu ka dhaxeeyo Puntland iyo dalalka Sucuudiga iyo Imaaraatka.

Puntland ayaa dowladda federaalka ugu baaqday in ay ka laabato go'aankeedii dhexdhexaadnimadda.

Puntland iyo Imaaraatka waxaa muddooyinkii dambe dhexmaray xiriir aad u dhow, waxaana jiray heshiis sannadkan dhexdiisa la saxiixay oo shirkad Imaaraatka laga leeyahay ay kula wareegayso maamulka dekada Boosaaso.

Dowladda federaalka kama aysan hadlin go'aankaas, kamana aysan jawaabin dalabkii Puntland ee ahaa in ay ka laabato moowqifkeeda ku aaddan khilaafka khaliijka.

Koonfur Galbeed

Lahaanshaha sawirka .
Image caption Shariif Xasan Sheekh Aadan, Madaxweynaha Koonfur Galbeed

18-kii bishan Sabtembar, 2017-ka ayaa war qoraal ah oo kasoo baxay madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa waxaa isna lagu sheegay in xiriirka loogu jaray Qadar, laguna waafaqay moowqifka Sucuudiga iyo Imaaraatka ee Qadar.

Qoraalkan waxa uu ahaa mid faahfaahsan, waxaana lagu sheegay in shirkii madasha hoggaamiyeyaasha qaranka ee bishii Luulyo dhacay looga wada hadlay arrinka khaliijka, dowladda federaalkana ay dalbatay in wakhti la siiyo, balse markii wax war ah laga waayay, mudadiina ay dheeraatay, ayay Koonfur Galbeed sheegtay "in ay ku qasbanaatay in iskeed go'aan u gaarto".

Waxaase qoraalka lagu bilaabay in go'aankii xukuumadda federaalka Soomaaliya ay ka gaartay muranka khaliijka 6-dii bishii Juunyo, 2017 uusan ahayn mid laga talogaliyay maamul goboleedyada.

Koonfur Galbeed ayaa ku doodayso in inkasta oo dowladda federaalka awood u leedahay go'aannada siyaasadda arrimaha dibedda, haddana ay dhanka kale tahay in maamul goboleedyadana la wargaliyo, lalana tashado.

Galmudug

Amiirka Qadar oo la fadhiya madaxweynaha Maraykanka Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Amiirka Qadar oo la fadhiya madaxweynaha Maraykanka

20-ka bishan sabtembar 2017-ka, Galmudug ayaa noqotay maamul goboleedkii ugu dambeeyay ee la safta xulafada Sucuudiga iyo Imaaraatka.

Qoraalka oo isku si ay u qornaayeen kii kasoo baxay Koonfur Galbeed ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda federaalka aysan maamulka ka talogalinin go'aankii ay ka qaadatay muranka gacanka.

Balse maalin kadib ayaa war kaas ka duwan waxaa soo saaray madaxweyne ku xigeenka Galmudug waxaa lagu sheegay in go'aanka hore oo uu madaxweynaha ku saxiixnaa uusan ahayn mid ay u dhanaayeen laamaha kala duwan ee maamulka.

Waxaa sidoo kale qoraalka lagu sheegay in Galmudug ay siyaasadda arrimaha dibedda uga dambayso dowladda federaalka sida uu qabo qodobka 54aad ee dastuurka.

Maamulada soo haray

Maamul goboleedyada aanan wali wax go'aan ah ka qaadan, islamarkaasna aanan wax hadal ah kasoo saarin ayaa ah Jubbaland iyo Hirshabeelle oo iyadu maalmo uun ka hor loo doortay madaxweyne cusub.

Warkii maanta oo khamiis ah kasoo baxay golaha wasiirada ayaa u muuqday in dowladda ay ku qasbanaatay in ay markale cadayso go'aankeeda , islamarkaasna dareentay cadaadiska kaga imanaya maamul goboleedyada.

Haseyeeshee waxaa muuqata kala qeybsanaan ballaaran ay soo kala dhexgashay dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada xubnaha ka ah oo ku saabsan muranka carabta.

Lama oga halka ay ku dhammaan doonto kala qeybsanaantan, waxaase jirta saansaan muujinaysa in uu u talaabay baarlamaanka maadaamaa xildhibaanno labada Aqal qaarkood ay warbaahinta aragtidooda ka dhiibanayaan.

Dawladda Soomaaliya ayaa xiriir wanaagsan la leh Qadar iyo xulafada ay is hayaan ee Sucuudigu hor kacayo, umana sahlana in ay xiriirka u jarto midkoodna.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan