Oday 76 jir ah oo 27 sano quudinayay  maxaabiis
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

76 jir quudinaayay 27 sano maxaabis

Bal ka warran haddii muddo 30 sanno ku dhow ay shaqadaada noqoto inaad u adeegto maxaabiis ku xiran xabsi ku yaala magaalada aad deggan tahay?

Haddaba Cumar Faarax Maxamed oo ah 76 jir ayaa muddadaas 30-ka sanno ah waxa uu nolol maalmeedkiisa ka heli jiray in maalinkasta uu cunto u geeyo maxaabiista ku xiran xabsiga dhexe ee magaalada Gaarisa ee dalka Kenya.

Ninkan ayaa howshan bilaabay isagoo 45 jir ah markaas oo uu ka shaqeynayay mid ka mid ah maqaayadaha magaaladaasi.

Haatan howlgab ayuu noqday waxa uuse ku faraxsan inuu muddaadaas u soo shaqeeyay dadkaasi aan xorriyadda haysan.

Cumar Faarax waxaa magaalada Gaarisa kula kulmay oo wareysigan la yeeshay weriyaha BBC-da Bashkas Jugsodhacay.