Ra'iisulwasaaraha Canada: "Waan bahdilnay dadka asalka u daganaa dalka"

Justin Trudeau oo khudbad ka jeedinaya golaha loo dhan yahay ee Qarammada Midoobay Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Justin Trudeau oo khudbad ka jeedinaya golaha loo dhan yahay ee Qarammada Midoobay

Ra'iisulwasaaraha Canada Justin Trudeau ayaa khudbaddii uu ka jeediyay gollaha loo dhan yahay ee Qarammada Midoobay u adeegsaday in uu kaga hadlo horusocd la'aanta dawladda Canada ee arrimaha dadka asalka u daganaa dalkaas.

Wuxuu sheegay in dhaxalkii uu ka tagay gumaysigii iyo saamaynta uu kaga tagay dadkii asalka u daganaa dalka in ay ka tahay "bahdil, dayacaad iyo tacaddi".

Trudeau ayaa awoodda dalkaas la wareegay 2015kii, isaga oo ballanqaaday in uu hagaajin doono sida loola dhaqmo dadkii asal ahaan u daganaan jiray dalka Canada.

Laakiin dhaleecayn ayuu kala kulmay sidii uu u maareeyay arrimaha dadkaas.

Ra'iisulwasaaraha ayaa khudbadiisii 30ka daqiiqo ahayd ee Khamiistii u adeegsaday in golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay uu mar kale ka caddeeyo in ay ka go'an tahaya isu soo dhawaynta dadka.

"Canada ma aha meel aysan ka dhicin dhibaatooyinka dadyowga kale soo wajaha, ayuu yiri Trudeau, Canada waa dal ay shaqo hor usocdnimo ah ka socoto ayuuna sii raaciyay.

Waxyaabaha uu xusay waxaa ka mid in biyo aan nadiif ahayn ay cabaan qaar badan oo ka mid ah dadkii dhulkaas asalka u daganaa, farqina uu u dhaxeeyo waxbarashadooda iyo kuwa gadaal ka yimid Canada.