Doodda Jimcaha: Kenya ma geli doontaa qalalaase dhanka dastuurka ah?
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Doodda Jimcaha: Kenya ma geli doontaa qalalaase dhanka dastuurka ah?

Barnaamijka Waxa ay Ila Tahay ee doodda galabta waxaanu kaga hadli doonnaa doodda kulul ee ka taagan doorashada ku celiska ah ee madaxtinimada ee dalka Kenya.

Mucaaradku waxa uu ku dheggan yahay in meesha laga saaro qaar ka mid ah guddiga doorashooyinka halka xisbiga haya tallada uu leeyahay guddiga waa lama taabtaan.

Haddaba su'aashu waxay tahay Kenya maka badbaadi doontaa inuu ku yimaado qalalaase dhanka dastuurka ah?

Su’aashaas iyo kuwa kale ayaannu ku faaqidi doonnaa barnaamijkan oo aan idinla socodsiinayo aniga oo ah Cabdifitaax Ibraahim Cagayare ayna igala qeybgalayaan:

Cabdulqaadir Xuseen Maxamed, Lataliyaha Madaxweyne ee arrimaha dastuurka.

Faaduma Kinsi Cabaas, waxa ay u ololaysaa arrimaha haweenka kana tirsan isbahaysiga mucaaradka ee NASA.

Dr Cabdirisaaq Carraale, bare wax ka dhiga Jaamacadda Moi ee Eldoret.