Dowladda Nigeria oo la dagaalamaysa Laaluusha ay qaataan Booliiska

Tillaabadan waxa ay booliiska sheegeen in looga hortagao waqtiag badan ee luma Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Tillaabadan waxa ay booliiska sheegeen in looga hortagao waqtiag badan ee luma

Madaxa booliiska dalka Nigeria Ibrahim Idris ayaa amray in sida ugu dhaqsiyaha badan loo qaado dhamaan jidgooyooyiinka booliiska guud ahaan dalkaasi.

Dad badan oo ree Nigeria ah ayaa soo dhaweeyay warkaasi sababto ah jidgooyooyiinkaasi waxa ay ahaayeen kuwa marmarsiiyo looga dhigto laaluush laga qaado dadka safarka ah iyo gawaarida xamuulka qaada.

Balse Bayaan ka soo baxay booliiska dalkaasi ayaa lagu sheegay in tillaabadni looga gol leeyahay in lagu dhimo waqtiga badan oo gaadiidka kaga luma jidgooyooyiinka booliiska .

Maxaa ka dhacaa jidgooyooyiinka?

In aad nin booliis ah kula kulanto waddo ayaa ah mid walwal badan.

Booliiska ayaa marka ay Gawaarida joojiyaan waxa ay ku waydiinayaan marka hore magacaaga iyo Laysinka darawalnimada.

Ka dib ayaa waxa uu askariga furayaa qaybta danbe ee Gaariga ,waxa uuna xaqiijinayaa in wax waliba ay kuu yihiin si sharciga waafaqsan .

Haddii uu askariga kugu arko wax sharci daro ah ayaa waxa aad haysataa laba khiyaar midkood,in uu kuu kaxeeyo saldhiga booliiska ama aad heshiisaan oo aad laaluush bixiso.

Mararka qaar xitaa haddii ay wax waliba kuu saxan yihiin taasi micnaheedu ma aha in aad safarkaaga sii wadan karto.

Askarta ayaa si kaftan ah kuu waydiin kara "ma jiraan wax aad ugu talagashay wiilka yar ", ama mararka qaar waxa uu si kaftan ah kuu dhihi karaa,qorraxda kulaylka soo uma jeedid (waxa ay micnaheedu tahay waxa uu u baahan yahay lacag uu biyo ku cabo).

Arrintani ma aha mid cusub ee waa mid ku badan marka ay majaajililiistayaasha Nigeria ay dadka ugu qosliyaan booliiska iyo sida laaluushka ay u qaataan.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Tagaasida iyo gawaarida Xamuulka ayaa inta badan laaluushka laga qaadaa

Waxyaabaha aan la samayn karin inta aad ku sugan tahay Jidgooyada booliiska.

In taleefoon aad qabato ama aad ka jawaabto marka aad ku sugan tahay jidgooyooyiinka booliiska waa mid dhalinkarta in dib u dhac ku yimaado safarkaaga.

Ciidamada ammaanka ayaa u arki dambi in qofka uu booliiska hortooda taleefoon ku Waco,balse waxaa ta ka sii daran haddii aad isku daydo in aad sawir ama muuqaal duubto.

Uma arkaan wax sahlan in aad isku daydo in aad cod ka duubto.

Sanaddii 2013 sargaal sare oo lagu magacaabo Chris Omeleze ayaa shaqada laga ceyriyay ka dib markii uu muuqaal ka duubay nin laaluush ka qaadanayay garoonka caalamiga ah ee Lagos.

Qofkii muuqaalka duubay ayaa ka dib ku baahiyay barta YouTube markaasi oo uu si wayn ugu baahaya baraha internet-ka.

Sidee ku garan kartaa Jidgooyada saxda ah iyo midda been abuurka ah?

Ma jirto wax aad ku kala saari karto jidgooyooyiinka saxda ah kuwa kale .

Waxa aad arkaysaa oo kali ah fuustooyiin yaalla waddada oo ay ku xardhan yihiin midibka Dariiska booliiska Nigeria.

Xilliga habeenkii sida kali ah ee aad ku garan karto in jidgooyo ay kaa horeyso ayaa ah in aad aragto Toosh ay booliiska ifiyaan.

Haddii aad tahay qof nasiib xun waxaa laga yaabaa in ay noqdaan burcad hubaysan.

Iyada oo qaar ka mid ah jidgooyooyiinka loogu talagalay in danbiilayaasha lagu qabto ,ayaa waxa hadana jira kuwa ay booliiska lacag ka sameeyaan oo laaluush ay ku qaataan.

Waxa ay arrintan badan tahay xilliyada habeenkii iyo maalmaha Sabtida iyo Axadda.

Madaxa booliiska Nigeria ayaa imika amray in ay booliiska xirtaan dariiskooda oo uu ku qoran yahay lambarka shaqada.

Ma guulaysan doontaa mamnuucida Jidgooyooyiinka Booliiska?

Tani ma aha isku daygii ugu horeysay oo lagu doonayo in looga joojiyo jidgooyooyiinka booliiska.

Sanaddi 2012, taliyihii Booliiska ee xilligaasi Mohammed Dahiru Abubakar ayaa soo saaray amar kan la mid ah,waxaana xiligaas la qaaday 3,500 oo ah jidgooyada ay dhigtaan Booliiska .

Balse wax yar ka dib waxaa dib loogu arkay wadooyiinka jidgooyada ay dhigtaan Booliiska.

Amarka cusub ee imika waa isku day cusub oo lagu doonayo in meesha looga saaro jidgooyooyiinka Booliiska.